Faah faahino ayaa ka soo baxaya Dagaal culus oo Dagaalamayaasha Kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen Xero ay degan yihiin Ciidamada Kenya ee Qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.
Dagaalka waxaa uu ka dhacay Xero Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Waxaana Dagaalka uu ahaa Mid aad cuslaa waxaana leysku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan khasaaro badan ayaa ka dhashay.
Al-Shabaab oo weerarka ku qaaday Xeradda Ciidamada Kenya waxaa ay sheegteen in ay dileen in kabadan 5 askari tiro kalana ay dhaawaceen.
Dhankooda ma aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Kenya iyo Maamulka Magaalada Baardheere Dagaalka iyo Sheegashada Kooxda Al-Shabaab.