Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Deegaanka Halgan ee halkaas oo ay kala wareegeen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada Federaalka.
Dagaalka ayaa waxaa uu ahaa mid aad u culus waxaana warar ay sheegayaan in shabaabku si toos ah weerarka ugu qaadeen Fariisimiha Ciidamada Ethiopia ee Deegaankaas.
Dagaalka waxaa ka dhashay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Dhinacyadii dagaalamay iyo Dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Guhaad Maxamuud Maxamed Guddoomiyaha deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar dagaalyahanada Al Shabaab ay ku soo qaadeen Saldhigyo ku yaalla deegaankaasi.