Al-Shabaab Oo Xog Cusub Ka Sheegay Geeridii Galaal

-

Kooxda mayalka adag ee Al-shabaab ayaa shalay weerar xoog ku gal ah ku qaaday Hotelka Afrik ee dhaca meel u dhaw Km4, waxaa inta la shaaciyey dadka geeriyooday ka mid ah janaral Galaal oo ka mid ah saraakiishii Milatarigii hore ee Soomaaliya.


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

Warka: Weerar ka dhacay Hotel Afrik kaasi oo saacado badan qaatay, eyey ciidamada dowladdu shaaciyeen in ay soo afjareen goor dambe oo xalay ah.

Dhammaadkiisa: Inta la xaqiiyey dhowr iyo toban qof ayaa ku dhimatay weerarka halka uu dhaawac ka so gaaray tiro intaas ka badan, laamaha amniga ayaa xaqiijiyey in la toogtay dhammaan raggii weerarka soo qaaday.

Dhankooda , Alshabaab bayaan ayaa soo saareen ayey ku faafaahiyeen qaraxii Hotel Afrik, iyagaa oo sheegay in dileen 23 qof, oo uu ka mid yahay Galaal oo sida ay sheegeen ahaa bartilmaameedka weerarka.

Sidoo kale Aqri: Sawirro..Al-shabaab Oo drones U isticmaalay Weerarkii Manda Bay

Waxaan U Aargudeynay Ceyroow

Al-shabaab waxa ay sheegeen in Galaal uu ahaa khabiir milatari kaasi oo qeyb ka ahaa dagaalka lagu jiro iyaga, waxa ayna sheegeen in uu ka qeyb qaatay qorshayaal lagu khaarijiyey madax sare oo Al-shabaab ka mid ah, sida hogaamiyihii Al-shabaab Aadan Ceyrow oo 2008-dii lagu dilay Dhuusamareeb.

Si kastaba ha noqotee, weerarka Hotel Afrik ayaa imaanaya xilli dadlka ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay doorashooyinka, sidoo kale weerarka ayaa yimid seddex todobaad un ka dib markii Janaraal Galaal uu jeediyey khudbadiisa muranka dhalisay ee tirakoobka qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...