Al-shabab oo si yaab leh kaga hadlay dagaalkii uu iclaamiyey madaxweyne farmaajo

-

Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horraysay ka ha hadashay dagaalkii uu maalmo ka hor iclaamiyay Max’med Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhanka ahaa Xarakada.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka xarakada ayaa warka farmaajo ku sheegay mid wax macna ah aan laheyn islamarkaana muujinaya daciifnimo iyo khibrad xumo.

isagoo wareysi dhinacya badan taabanaya siinayay idaacadda Alfurqaan ayuu sheegay in dhawaqa Farmaajo uu lamid yahay wax uu ugu yeeray wixii ay horay ugu hadaaqi jireen madaxdii soo martay dowladda Federaalka sida C/llaahi Yuusuf, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh.

“Wax cusub ma ahan kuwii isaga ka horreeyay ayaa 24 saac dagaal nagu iclaamin jiray ilaaheyna waa naga guuleeyay ,insha’allaah waxba naga qaadi maayaan”ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab.

Wuxuu si gaar ah uga hadlay siyaasadda fud fudeydka ku dhisan ee Farmaajo lasoo shir tagay tan iyo markii madaxweyne loo doortay 8 Febaraayo 2016 “.

“mujaahidiinta allaah Subaxaanahu watacaala ayaa lajirkooda ah waana ka adkaanayaan, kanna uun halkaas buu mari..Farmaajo waxaa usii dheer fud fudeyd waxaa weeye Nin aad u fud fudud sida dadka oo dhan ka arkaan waxyar oo muddo kooban ayuu meesha joogay nin dagaalka Soomaaliya la socda muusan aheyn isagoo aan wax warbixin ah ka hayn maleeshiyaadkiisa murtadiinta ayuu inta tuute soo xirtay dagaal iska iclaamiyay..maalintii uu madaxtooyada soo gelaayay mujaahidiintu hoobiyaal ayay kusoo dhoweeyeen xassan sheekhna Hoobiyaha oo ka daba dhacaya ayuu cararay isaguna nin ku cibra qaatay ma ahan wixii ku dhacay dadkii ka horreeyay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuu Muscab.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...