Al-shabab oo xalay weerar culus ku egeeyey magaalada muhiim ah ee………….

La Wadaag Asxaabtaada

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Dagaalamayaasha xarakada Al-Shabaab ayaa weerar xoogan waxaa ay ku qaadeen Fariisimo ay ciidamada Milateriga Dowlada Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin Magaalada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa Mid aad u xoogan islamarkaana leysku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan waxaana jira sida Dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen Khasaaro xoogan oo ka dhashay Dagaalkaasi.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay weerar culus ku qaadeen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan fariisimaha Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Qoryooley.
Mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Milateriga Dowlada Federaalka Ee Soomaaliya oo ku aadan Ka hadalka khasaaraha ka dhashay Dagaalkaas .
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada