Alshabaab Hub Miyey Sameyn rabaan? Amiirkooda ayaa Ka Jawaabay

La Wadaag Asxaabtaada

Amiirka kooxda Alshabaab ayaa dhawaan jeediyey khudbad ku lifaaqneed muuqaalkii kooxdu ka sameysay weerarkii Balidoogle.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Inta ugu badan khudabadda waxa ay ku saabsaneyd wax uu amiirku ugu yeeray “Soo duulayaasha” isaga oo dhinacyo badan ka hadlay.

Abu Cebeyda ayaa askarta Alshabaab ku tilmaamay in ay yihiin “Ciidanka Ummadda” isagoo Soomaalida ugu baaqay in ku kalsoonaadaan.

Khudbaddan ayaa u badneyd erayo Koobi ah oo laga soo qaaday khudbaddii Abu Zubeyr ka jeediyey Weerarkii Westgate Mall, isla qaabkii Zubeyr uu ula hadlay Kenya, ayuuna Axmed Cubeydna u hadlay Mareykanka.

Sidoo Kale Aqri: Amiirka Alshabaab Oo Markii Ugu Horeysay Muuqaal Soo Galay..Falamqeyn

Khudbadda Abu Cubeyda kuma saabsaneyn dhismaha mashruuc weyn oo lagu sameeynaayo Hub, waxaana aaminsanahay sababo badan dartood in kooxdu wax hammi ah u heynin “qorshan oo kale”.

Balse daqiiqadda 32 aad waxaa uu Axmed Diiriye ka dhawaajiyey kalimad dardaraam isaga oo yiri “hub Sameysta Soomaaliyey Lagu hareereeye”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada