Alshabaab Humaag ah Isha aan Lagu Arki Karin Oo Xalay Dagaal Sameeyey!

0
0

Dagaalka oo ahaa mid ku dhacay si kadis ah , ayaa waxa uu dhaxeeyey Ciidamada DF-ka iyo Kuwa Burundi, isagoo midba midka kale uu u heystay Alshabaab.

Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Dagaalku wuxuu yimid kadib markii ay xerada Turkidu heystaan ee Jasiira ay kasoo bexeen kolonyo tobannaan gaadiid ah oo ay wateen ciidamada DF ee halkaasi lagu tababaray si ay dhaqdhaqaaqyo u sameeyaan.

Ciidamadan ayaa soo maray dhulka u dhaxeeya Jasiira iyo Ceelasha Biyaha iyagoo si lama filaan ah uga soo dul dhacay ciidamada Burundi ee heysta Arbacow oo difaac ku jiray kana baqayay weeraro uga yimaada kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab.

Burundeyska oo maqlay dhawaqa gaadiidka ciidamadan wateen ayaa usii diyaar garoobay waxaana ay durbadiiba ku billaabeen hub culus iyo mid fudud, xaaladduna waxay isku badashay mid dagaal iyadoo dhinacba dhanka kale uu u qaatay Al-Shabaab.

Ciidamada DF ayaa looga fanbadiyey dagaalkaas waxaana laga dilay inta la xaqiijiyay 24 askari, halka Burundeyska laga dilay 5, tiro kalana laha dhaawacay.

Aqriso: waa-tan-faafaahinta-diyaaradda-humaaga-ee-isreal-soo-bandhigtaywarbixin/

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxa DF iyo madaxda ciidamada Amisom