Alshabaab oo Degmada Buq-aqable ee Gobolka hiiraan xukun dil rajmin ah ka fuliyey

La Wadaag Asxaabtaada

Fagaara weyn oo kuyaal degmada Buq-aqable ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay laba xukun oo dil ah.

Maxkamadda Alshabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa saaka fulisay laba xukun kuwaas oo lagu kala fuliyay niman lagu eedeeyey in gaysteen dambiyo isugu jira kufsi iyo dil.

Ninka koowaad ee xukunka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabaa Axmad Ibraahim Raagoow oo 29 sano jir ah, waxaa lagu eedeeyey inuu Kufsi u gaystay haweeneey kamid ah dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Degmada Baladweyne kadibna uu dilay walaalkeed oo isku deyay inuu ka difaaco walaashiis falka kufsiga ah balse uu dambiiluhu rasaas ooda kaga qaaday halkaasna ku dhintay.

Ninkan ayaa ahaa nin horey guur usoo maray, sidaas daraadeed Maxkamadu waxay ku xukuntay in la rajmiyo ” dhagax lagu dilo” maadaama uu isku darsaday kufsi iyo dil, isagoona guur xalaal ah horey usoo maray ayuu yiri qaadiga alshabab.

Ninka labaad ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Cali Bajiin oo 22 sano jir ah, waxay maxkamadu ku heshay inuu falka kufsiga ah ka qayb qaatay, balse uusan dilka geysanin Waxaa intaas usii dheer isaga inuu ka tirsanaa waxaa uu qaadiga ugu yeeray maleeshiyaadka maamulka Baladweyne ka dhisan.

Sidaas darteed maxkamadu waxay ku xukuntay dil toogasho ah maadaama uu ahaa ‘Murtad’, Kufsina uu geystay, ayuu yiri ninka xakumay ragga dhalinyada ah.

Labada nin ayaa lagu eedeeyey in falka kufsiga iyo dilka iskugu jira ay ka geysteen xaafad ka mid ah Magaalada Baladweyne, balse ciidamada Xarakada Al Shabaab oo dhibaatada ay geysteen lasoo gaarsiiyay ayaa hawlgal gaar ah kusoo qabtay labadooda xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Baar ee duleedka Baladweyne sidaasna Maxkamada Alshabab loo horkeenay.

Xukunka Rajmiga iyo dilka toogashada ah ayaa ka dhacay degmada Bu’aqable ee ee gobolka Hiiraan waxaana kasoo qaybgalay dadweyne aad u farabadan iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Al Shabaab oo uu ka kimid ahaa ninka lagu magacaabo Sheekh Guuleed Abu Nabhaan, oo shabaabka ugu magcaabaan gobolka hiiraan.

Alshabaab ayaa horay sidan oo kale xukuno dil iyo gacan goyn ah ku fuliyey rag eedeysanayaal ah balse waa markii ugu horreysay ee xukun dil rajmin ah aslahabab ka fuliyaan degmada buq-aqable

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada