Mu’asasada Al-Kataa’ib, ee taabacsan Xarakada Al-Shabaab ayaa luuqadda Afka-Oromada kusoo saartay Filimka ♦️ «لا مرحبا بهم – إنهم صالو النار »♦️ taas oo ah arin ku cusub shabaab oo markani fariin cabsi gelin ah fariintoodu ku gaarsiinayaan mid ka mid ah qowmiyadaha ugu baallaran wadanka Itoobiya.
Filimkan oo bishii Ramadan ee lasoo dhaafay ay baahisay mu’asasada Al-kataa’ib ayaa goor hore lagu soo saaray illaa afar Luuqadood oo kala ah: Carabi, Englsih, Swahili iyo Soomaaliya, Waxaana Luuqadda Oromo ee hadda lagu soo saaray ay ka dhigeysaa Luuqaddii Shanaad ee filimkan lagu soo saaro.
Oromo waa Luuqad ay ku hadasho qowmiyadda ugu ballaaran dalka Itoobiya iyo guud ahaan geeska Africa.
war lagu daabacay Webiste-ka SOMALIMEMO ee taageera Alshabaab ayaa lagu yiri”Sababo ku aadan muhiimadda fariinta uu xambaarsan yahay iyo baahida loo qabo in Muslimiinta bartaan sidoo kalena fahmaan Mas’alada “Dafcinta cadowga hororka ah” ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in Mujaahidiintu ay dadaal ku bixiyaan sidii fariinta uu xambaarsan yahay filimkan loo gaarsiin lahaa malaayiinta Muslimiinta ah ee kacdoonka bilowga ah ku qaaday nidaamka Tigreega ah ee heystay dalka Itoobiya”
Oromo waa qowmiyadda ugu balaaran ee degta dalka Itoobiya iyo xitaa guud ahaan mandiqadda loo yaqaano geeska Africa, waxay degtaa dhul lagu qiyaasay in ka badan 600,000 Km Square. waxay xuduud la leedahay Sudan, Kenya, Soomaaliya iyo gobolo kale oo ka mid ah Itoobiya, waxaa lagu qiyaasaa ugu yaraan 30 milyan, waxayna 45% ka yihiin guud ahaan bulshada dalka itoobiya oo lagu qiyaaso ku dhawaad 100 milyan.
Waa markii ugu horeysay oo mu’asasada Al-Kataa’ib ay soo saarto Isdaar ku baxaya luuqadda Oromo, waxayna tani ka dhigan tahay talaabo alshabaab ay doonayaan in ay ku kiciyaan Malaayiin Muslimiin ah oo muddo tobanaan sano ku hoos noolaa dowladda Itoobiya kuwaasi hadda bilaaway s kacdoono idii ay isaga dul qaadi lahaayeen dowladda Weyn ee Itoobiya.
Isdaaraadka iyo fariimaha mu’asasada Al-kataa’ib waxay horay u bartilmaameedsan jireen dadka ku hadla luuqadaha Carabiga, English, Sawaaxiliga iyo Soomaaliga.
Talaabadan ay hadda ku dhaqaaqday Xarakada Shabaab ayaa waxay imaaneysaa iyadoo dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey ay indhaha warbaahinada caalamku hayeen kacdoonka ay Oromada kaga soo horjeedaan nidaamka Itoobiya sidoo kalane warbaahinada reergalbeedka qaarkood dadaal xoogan ku bixinayeen sidii awood warbaahineed ay kaga heli lahaayeen dhulka Oromia si ay shacbiyad ugu dhax yeeshaan Qowmiyadda Oromo.
HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXINYA FILIMKA AF_OROMADA KU BAXAYA