Alshabaab Oo gudaha U Galay Saldhig Laga Hagi Jiray Drones-ka.

La Wadaag Asxaabtaada

Bayaan ka soo baxay Warbaahinta Alshabaab ee Alkataa’ib ayaa lagu sheegay in Alshabaab gudaha u galeen garoonka Balidoogle.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Bayaanka ayaa laagu sheegay in koox gaar ah oo ka tirsan Alshabaab ay weerar xoog leh ku qaadeen Saldhigga Balidoogle subaxnimadii Isniinta.

Weerarka ayaa ku bilwoday qarax aad culus oo laga maqlay meelo aad ugu fog xerada la weeraray, dadka qaar oo degaanka ah ayaa qaraxa ku sifeeyey mid la mid ah qaraxii Zoobe, waxaan xigtay rag hubeysan oo gudaha u galay xerada Balidoogle.

Garoonka Balidoogle oo 100 km kaga beegan dhanka Waqooyi galbeed magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa waxa uu hoy u yahay boqolaal ka tirsan ciidanka Millatariga Mareykanka, sidoo kale goobtani ayaa aheyd xarun ay ka kici jireen diyaardaha drones-ka ah ee duqeymaha ka fuliya Soomaaliya.

Kashaaraha Dagaalka.

Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay in ay dishay 121 askari oo Mareykan ah, waxa kale oo ay sheegteen in ay dagaalka ku dileen waxa ay ugu yeereen “Askar Yahuud ah”, waxaa intaasi dheer in sidoo kale goobta ay ku dhinteen waxa ay Alshabaab ugu yeereen “Qandaraaslayaal”.

Balse dhankeeda Dowladda Mareykanka oo war gooban ka soo saartay Dagaalka ayaa beenisay in uu jiro wax khasaaro ah oo dhankooda soo gaaray.

Dhanka kale Alshabaab ayaa sheegatay in goobta ay ku burburisay diyaarado drones iyo helicopters isagu jira.

Sidoo Kale Aqri: Cod.Wixii Dhax Maray Alshabaab Iyo Dumarkii Xil. Soo Xulay

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada