Alshabaab ayaa Sheegtay Mas’uuliyadda Dilkii Loo geystay Cali Dhiif oo Ka tirsanaa Galmudug, sidoo kale waxa ay sheegeen sababtii ay u bartilmaamsadeen Cali Diif.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu dilay Col.Cali Tahliil Cali Diif oo ay ku sifaysay Murtad dambi ka galay shacabka gobolka Mudug.-Sida ay hadalka u dhigeen.
Cali dhiif ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ku lahaa dagaalladii sanaddii 2016 ka dhacay deegaannada Garacad iyo Suuj isagoona xilligaas hoggaaminayay ciidamo katirsan Galmudug oo qaab farsameysan dagaalka uga qeyb galay .