Alshabaab Oo Ku Hanjabay In Ay Diyaarado Soo Ridi Doonaan..Maxaa Soo Kordhay?

Afhayeenka Dhanka Dagaalada u Qaabilsan Alshabaab Abu Muscab Oo Soo Duubay Cod Maqal ah ayaa ka hadlay weeraro badan oo dhawaan Alshabaab Ay ka Fuliyeen Gudaha Dalka.

Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Cabd-Caziiz Abuu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee 48-dii saac lasoo dhaafay ay la beegsadeen ciidamada Amisom  iyo kuwa  dowladda Federaalka.

Abuu Muscab ayaa soo hadal qaaday weeraro gobolka Gedo ku beegsaday ciidamada Kenya, iyo howlgallo ka dhacay Shabeellaha hoose, wuxuuna sheegtay in  inuu jiro khasaare gaaray dhinacyadii ay beegsadeen.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Al-Shabaab wuxuu soo hadal qaaday in diyaarad sahay u keentay ciidamada Uganda ee jooga Qoryoolay ay waxyeello gaarsiiyeen, isagoona ku hanjabay in mudooyinka soo socda la arki doono diyaarado ay Alshabaab gubaan.

Ma jirro Qirasho ama diidmo ka soo baxday ciidamada Amisom oo ku aadan sheegashada Cusub ee Alshabaab.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA