Alshabaab Oo Magaca Hirshabeelle Ku Macneeyey Qaab Cajiib ah#Maxey Yiraahdeen

La Wadaag Asxaabtaada

Yuusuf Sheekh Ciise Sheekh Axmad (Koba ku dukade) oo ah waaliga Alshabaab ee Sh/dhexe oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta taageerta Alshabaab ee  Al-furqaan ayaa ka hadlay 10 sano kadib sida ay tahay xaaladda Gobolka uu maamulo.

Mar wax laga weydiiyay maamulka Hir-Shabelle ayuu ku macneeyay inuu yahay mid maqaar saar ah-sida uu hadalka u dhigay- wuxuuna tusaale usoo qaatay habka uu u dhisan yahay , waxaana uu tacliiq yaab leh ka bixiyay magaca uu wato maamulkaas Hirshabelle.

“Haddii magaca Hirshabelle, dowlad Soomaaliyeed oo Xamar joogta ay bixin lahayd ‘Shabell-Hir’ ayuu noqon lahaa, asbaabtu maxay tahay waxaa soo xigta Shabelle, laakin haddii Adis-ababa laga xukumaayo waa … magacaan marka Itoobiyaa la baxday Adis-ababaa laga xukumaa waa qismiga kasoo gaaray Itoobiya dhulkaan, arrintaasu marka waa mid ka muuqata magaca” ayuu yiri’Kaba ku dukade.

Hirshabeelle ayaa ka mid ah maamul goboleedyada kuwooda ugu taagta daran, waxaana hadda maamulku uu wajahayaa qatar xagga Amniga oo Alshabaab kaga Imaaneysa.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada