Xog gaar ah oo ay baahiyeen Warbaahinta Al-Shabaab ayaa tibaaxaysa in howlgalkaas loo adeegsaday maaddo qaraxda oo lagusii diyaariyay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo la halday warbaahinta ayaa sheegay in qaraxu ku diyaarsanaa gudaha xarunta islamarkaana loogu talagalay in lagu beegsado wakiilka gaarka ah ee Q.Midoobay u jooga Soomaaliya ninka lagu magacaabo James Swan.
Sidee buu u badbaaday Jemes?
Alshabaab ayaa yiri ” Cillad farsamo oo dhacay darteed maadadu waa qarxi weysay intii uu joogay wakiilka balse goordambe ayey ku qaraxday saraakiisha maamulka gobolka Banaadir oo halkaas ku shiraya.