Alshabaab Oo Waji Kale U Yeelay Qaraxii Elite Hotel

Alshabaab ayaa faafaahin ka bixiyey qarax galabnimadii axadda ay ku qaadeen Hotelka Elite oo saaran xeebta liido ee magaalada Muqdisho.


XAQIIQO NEWS-WARARKA GUDAHA

Sida ay tabisay idaacadda afka Al-shabaab ku hadasha ee Al-Andulus, weerarka ayaa ku bilowday baabuur walxa qarxa laga soo buuxiyey, ka dibna waxaa xigay rag hubeysan oo gudaha u galay Hotelka.

Alshabaab ayaa toogasho aan kala sooc laheyn ka bilaabay Hoteelka, arintaasi oo sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, afhayeen u hadlay Df-ka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen ugu yaraan 17 qof, halka dhaawacuna oo kor u dhaafay 30.

Idaacadda Alshabaab ayaa weerarkii Hotel Elite ku tilmaamtay mis si gaar ah u “barakeysnaa”, iyaga oo sheegay in hoteelka uu ka qaalisanaa Hoteelada ay weerari jireen.

Alshabaab ayaa carabka ku dhuftay in ay weerareen Hoteel uu lahaa nin ay ugu yeereen “mid ka soo macaashay” dowladii xasan Shiikh Maxamuud, waxa ayna sheegeen in ay burburiyeen Hoteel ku kacay lacag dhan 5 milyan oo doolar.

Marka laga soo tago hadalka Alshabaab weerarkii Hotel Elite ee galabnimadii axadda 16 Agoosto, ayaa ka mid noqonaya weeraro silsilado kuwaasi oo Alshabaab ay si joogto ugu bartilmaameedsadaan hoteelada caanka ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA