Alshabaab oo Xukun Dhagax ku dil (Rajmin) ah Ku fulisay Xabiibo cali Isxaaq(faafaahin)

-

Alshabab ayaa Boqolaal qof shacab ah isagu soo wacay in ay u soo daawasha tagaan fagaaraha weyn ee degmada Saakow gobolka Jubbada dhexe halkaas oo uu ka dhacay Xukun Dil rajimin ah(dhagax ku dilid)

Maxkamadda Alshabab ee Gobolada Jubbooyinka ayaa xukun dil ah (dhagax dil ah) ku fulisay haweenay lagu eedeeyey in ay fal zina ah ku dhacday iyadoo guur xalaal ah soo martay, Maxkamadda waxaa usoo dacwooday Cali Ibraahim Cali oo qabay Haweenayda xukunka Rajimi ah lagu fuliyay oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Cali Isxaaq ayaa lagu yiri warbixin qoraal ah oo lagu daabacay Mareegyada taageera Alshabaab.

Xabiibo ayaa iyadoo xaas ah oo la qabo waxay guursatay Nin kale sidaas ayayna ku mutaysatay in ay dhagax lagu dilo fagaare kuyaal magaalada Saakoow ee Jubbada dhexe, kiiskan ayuu qaaddiga maxkamadda Alshabaab faah faahin ka bixiyay.

Xabiibo Cali isxaaq oo uu qabay Cali Ibraahim Cali una dhashay 10 carruur ah islamarkaana deganeed degmada Salagle ayaa seygeeda u sheegtay in ay safar qaraaba salaan ah ku aadayso magaalada Muqdisho balse waxay usafartay deegaan hoos yimaad degmada Saakoow halkaas oo ay Nikaax baadil ah ku gashay ayna ku guursatay Nin kale.

Fagaaraha xukunka Rajmiga (dhagax dilka ah) ka dhacay waxaa ku sugnaa boqolaal qof oo markii xukunku dhacay takbiirsaday, Xarakada Al Shabaab ayaa ka fuliso xukuno gacan goyn iyo rajmin isuga jira gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Dalka Soomaaliya.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...