Falanqeyn..Amiirka Alshabaab Oo Markii Ugu Horeysay Muuqaal Soo Galay!

-

Alshabaab ayaa baahiyey Muuqaal Ciwaan looga dhigay “cid aan alle aheyn uma rukuuceyno”, muuqaalkaasi ayaa soo bandhigaya wajiyada qaar ka mid ah raggii weeraray Bali Doogle


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Muuqaalka oo soconaya ku dhawaad hal saac, ayaa inta badan xoogga saaraya dhibaatooyinka ka dhasha duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya iyo waddamo kale.

Axmed Cumar Abu Cebeyda. ayaa filimka dhaxdiisa ka soo muuqanaya isaga oo sagootinaya askartii weerartay Balidoogle, hase ahaate wajigiis lama arki karo madaama wajiga looga daboolay shucaac (Face Blured)


Askari ka mid ah raggii weerarka fuliyey, Waa u dhoolacaddeynayaa waxaa dhici karta in uu ku faraxsanyahay in uu arko Amiirkiisa markii ugu horeysay

“Allaah tabaaraka watacaala wuxuu maanta idiin doortay inaad dhiigiina ugu nusreysaan diinta Allaah, Umadda Muslimka ahna dulliga uga dulqaadaan. Goobta aad ku socotaan oo aad maanta u qalab qaadaneysaan oo aad u diyaarsan tihiin, oo Muslimiinta wixii taban taabo ah ay idiin awoodeen idiinku bixiyeen, oo wax intaas ka badan oo illaahey aan ku caabudeyno oo aan heysano aanay jirin, goobtaas waa xerada ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya” ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeyda mar uu u khudbeynayey dagaalyahanadii weerarka fuliyey.

Xagge Lagu Duubay Muuqaalka?

Si dhab ah uma cadda Goobta iyo waqtiga la duubay Filimka, markase la fiiriyo keynta iyo dhirta lagu arkay muuqaalka, waxa ay u badantahay in filimka lagu duubay Xaduuda gobolada Shabeelaha hoose iyo Baay.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...