AMISOM Iyo ATMIS.. Maxay Iskaga Mid yihiin Maxayna Ku Kala Duwanyihiin

-

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

WARKA:Howlgalka Amisom ayaa u xuubsiibtay howlgal ku meel gaar ah (African Union Transitional Mission In Somalia) sida ku xusan heshiis lagu gaaray magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

DHAMMAADKIISA:Howgalka Amisom oo soo soo bilowday 2007-dii, islmarkaana ah kii ugu dheeraa ee ciidamo shisheeya ah ay joogaan dalka xornimadii ka dib, ayaa u muuqda mid ku dhow gabgabo, sida uu qoraayo heshiis labada dhinac(Midowga Afrika Iyo Dowladda Soomaaliya) ay ku gaareen magaalada Adisababa.

Heshiiska labada dhinac ay gaareen waxa uu qorayaa in howgalka AMISOM loo badalo ATMIS, taasi oo fursad labo sano dheeri oo sii joogitaan ah siineysa ciidanka shisheeye.

Marka loo fiiriyo heshiiska, ciidamada midowga Afrika ka socda kuwaasi oo hadda ku howlgala magaca AMISOM ayaa sii joogi doona dalka, taasi oo ka dhigan in isbadalka ugu weyn uu yahay magaca oo kaliya.

Waxaa kale oo heshiiska ku xusan in hogaanka ciidanka ATMIS ay qaadan doonto dowladda leh ciidanka ugu badan.

Ciidanka Midowga Afrika ka socda ee ka howlgala Soomaaliya ayaa gaaraya ku dhawaad 25 kun oo askari oo ka kala socda Ugaandha, Burundi, Kenya Itoobiya iyo Jabuuti halka Ghana, Nayjeeriya, Siraalooyin iyo Zambiyana ay qeyb ka yihiin booliska AMISOM.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...