Aqoonsiga Axmed Madoobe Yey Dan Ugu Jirtaa?

La Wadaag Asxaabtaada

Sharciyadda Axmed Madoobe ma ahan oo kaliya kali talis sharciyad halay, sidoo kale duulaanka ayaa sharciyad helaaya taasi oo qalqal gelineysa “madax banaanida dalka”.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Wax weyn uma arko hadii baratakoolka doorashada uu dhigaayo in hogaamiye sida Axmed Madoobe oo kale ah loo aqoonsado si ku meel gaar ah, balse sheekadu marka ay halkaasi mareyso waa muhiim in aan ka sii fikirno “wajiga labaad ee doorashada ka dib”.

Xili Df-ka ay wili aaminsantahy in Jubbland aysan ka marneen faragelin ajanabi, Madoobe wuxuu helayaa waqti uu ku dhaqdhaqaaqi karo, waa tan abuureysa shakiga ah “doorashada ka dib”.

Sharciyadda Axmed Madoobe ma ahan oo kaliya kali talis sharciyad halay, sidoo kale duulaanka ayaa sharciyad helaaya taasi oo qalqal gelineysa “madax banaanida dalka”.

Sidoo Kale Aqri..Axmed Madoobe Oo Lugaha Dhiiqa Kula Jira..Arag Khiyaarada horyaalla?

Saaxibayaal fiiriya, aqoonsiga ku meel gaark ah, waxa uu ku soo aaday xilli kala guur ah, xilli Df-ka ay la kulmeyso cadaadis dhinacyo badan ah, faa’idada laga helo “aqoonsigan” waxa ay ku dhaceysa koontada xisaabaadka ee Kenya.

Gabagabadii waxa aan indhaheena ku aragnaa waa siyaasad “ku dhufo ka dhaqaaq ah”, arintuna waxa ay u socota bidix iyo midig.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada