Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in gudoomiye Waaxeed katirsan dowladda lagu dilay degmada Kaaraan.
Cabdi Jiis oo ahaa gudoomiyihii waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ayaa lagu dilay iska hor imaad dhexmaray ciidamo katirsan dowladda Soomaalia.
Dagaalka uu ku dhintay gudoomiyaha ayaa dhexmarayay ciidamada xasilinta ammaanka Muqdisho iyo ciidamo ka horjeeda.
Dagaalka ayaa maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan oo ay howlgal ka wadeen ciidamada isku-dhafka ah ee xasiilinta magaalada Muqdisho iyo ciidamo ku sugnaa degmadaasi.
Guddoomiyihii Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan Cabdi Jiis ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalka dhex maray labada ciidan.
Wararkii ugu damnbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada weerarka ku qaaday ciidamada sugaya ammaanka caasimadda ay baxsadeen kadib dagaalka ay la galeen ciidamada xasilinta.
Howlagaladda ciidamada xasilinta Muqdisho ayaa marar badan geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.