Aqris+dhageysi gabay uu cabdulaahi somaali ka tiriyey madaxweyne farmaajo

-

Jawaab Celino kala duwan ayay Shacabka qeybihiisa kala duwan ka bixiyeen hoggaanka cusub ee dowladda Federaalka loo caleema saaray.

Abwaan Cabdullaahi Yaasiin Jaamac ‘Soomaali’  oo kamid ah saxafiyiinta mid ka mid ah idaacaha somaaliya ay Gabay ka hadlaya Madaxweynaha cusub ee Dowladda Fedraalka Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’
Hoos Ka Akhri Gabayga

HALKAN HOOSE KA AQRISO GABAYGA

Dulmigii la feegaaro ee feerma lagu jiido,
Naxligii la fuurshaahu waa fugan insha allaahe,
Kolkaasey awooddii fufneyd kala furmeysaaye,
Xaquna intuu sii fidoow faafka wadayaaye,
Faalka iyo dhashiikaa iyo weliba faarowga,
Falaaraa wixii loo subkoow Faahin garayaaye,
Faral iyo jihaad baa inaga fuulay dhaladeene
Fadhi nooma yaalee inaan fulina weeyaane.

Kol hadaan firin nabadahoo fiixle heli waayay,
Falastiin ilaa xamar haddii la isku feenaayo,
Firaash lagu gama’aa iyo hurdo igu filloon daaye,
Fajarkiyo aroortiyo harkii amase fiidkiiba,
Halka aan fariistaba haddii laygu fara saari,
Oonan xubin fayooboo laheyn faashad lagu duubin,
Faruuryuu haday xiran yihiin figana lay dhuujay,
Cowraday haday feytantoo la I fadeexeeyo,
Fara gelinta joogtada anoo ka fal celinaaye,
Landhan fooqyadeedii iyo ruushka furihiisa,
Waa inaan farjiiniyo gubiyo teerya faransiiska.

Intaasi fariin iyo tusmiyo faaqidaad huban dheh,
Toggi faafaneed iyo furaad oo fatahayaa dheh,
Fareejiyo nal aan kuu shidiyo fiijin iyo baaq dheh,
Adiguna fudeyd lama rabee fiiri taladeyda,
Farsamada xigtii kuu hadhaan kuu fandhaal dariye.

Ferenjiga furqaan caayiyo faajirkiyo eeyga,
Iyo feyl intii kula jiree ferenbigoodiiye,
Marki faraska loo koray dagaal ee la fadal qaaday,
Firxadkoodi aawgiisi bay fiintu oloshaaye,
Foolkaanadi janaale iyo fiiggi iyo roorki,
Kulbiyoow falkiisi iyo kala faniinkiisi,
Ceel cadde fagtii hore wixii firirsanaa meesha,
Furuntii jamaacee tigree foolka lagu diiray,
Leego wixii fuq yiiliyo qadaad faayo iyo dhoolo,
Westi geyd filinkeediyo dhiigi falaqleeyay,
Wixii meyd la fooraariyoo fuuray baad garan’e,
Ha yeeshee war baan kuu furaa aad ku faraxdaaye,
Fasalkaan waxaan maaganaa taa ka fara weyne,
Murtad iyo fircoonada wadaa fooda lays dariye,
Xaajada fudeyd iyo markii fiicni laga waayo,
Fuleynimada waa lagu yaqaan iyo fagaareyne,
Kobti ay fagtaanoo galaan faaga baa xigiye,
Insha allaah wixii aan falkiyo waa fajici uunku.

Intaasi fariin iyo tusmiyo faaqidaad huban dheh,
Toggi faafaneed iyo furaad oo fatahayaa dheh,
Fareejiyo nal aan kuu shidiyo fiijin iyo baaq dheh,
Adiguna fudeyd lama rabee fiiri taladeyda,
Farsamada xigtii kuu hadhaan kuu fandhaal dariye.

Faqla orodka faataa dhugtiyo fiira li qowl ah,
Calmaaniga fagaara la yimi faanka iyo tookha,
Faq faqdiisu waa badatiyo waa fir jarayaaye,
Falka naxiisa baan sugi iyo faashil iyo ceebe,
Ha soo fuulo geenyada ragbaa fooruhuu tegay’e.

Shareecada nin fowdiyo u qaba fin iyo boog daahay,
Ibliis furundugleyn baa arladi soo fakoocsaday’e,
fidma walaha soo fooganee faasaq iyo tuuga,
Fasaad iyo waxaa loo igmaday feyrus gaalnimo’e,
Fariidkiyo fogaan aragiyo weliba foolaadka,
Fahma qabaha waa diidayaa faalla bixiyaaye,
Fara gelin shisheeyuhu wadoow foox u shidayaaye,
Waa fanaan u heesoo kaloo una far jaawshaaye,
Shaarubada ninkaa firinayee farac maraykaana,
Fikradaha taraamuu sidaa oo fasaxayaaye,
Gobanimada uu sii fogeyn waa la soo furan’e,
Farmaajiyo intii raacda ee ficil yuhuudeed leh,
Waa in faasku gooyoo rasaas lagu faruuraaye.
HALKAN KA DHEYSO GABAYGA MP3
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...