WARARKAAqriso Amiirka Alshabaab"Mareekanka waxaa uu doonayaa In ...

Aqriso Amiirka Alshabaab”Mareekanka waxaa uu doonayaa In Uu aarsado jabkii …….”

-

Kalimaddan oo cinwaankeedu yahay « وعد الله لا يخلف الله وعده » lana dhageysan karo 27 daqiiqo Axmad Cumar Abuu Cubeydah wuxuu kaga hadlayaa marxaladda uu dalku marayo iyo dagaalka ballaaran ee Mareykanka iyo Ciidamada Midowga Afrika ay kusoo qaadeen soomaaliya iyo sidoo kale duullaanka 10 sano jirsaday ee AMISOM.

Kalimadan oo ku baxeysa luuqadaha English-ka, Sawaaxiliga iyo Soomaaliga ayaa ugu horeyn wuxuu Axmed diiriye u mahadcelieyey dadka Muslimiinta guud ahaan si gaar ah waxa uu ugu yeeray ‘Mujaahidiinta’ isagoo ugu hanbalyeey munaasabadda ciidda, ka dibna wuxuu u si qotodheer kaga hadlay dagaalada ka socda dalka iyo waxa AMISOM ka dhaxleen dagaalka 10 sano jirsaday ee ka socda dalka.

mar uu soo hadalqaaday Xeerarka Amni ee cusub ee dhawaan uu saxiixay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ka dhanka ah Muslimiinta ayuu yiri: “Duqeymaha Mareykanku la beegsado goobaha rayadka ayaa ah kuwa aanan ku cusbeyn dunida Muslimka ah, waana duqeymo ula kac ah oo uu caadeystay inta la ogyahay taariikhda. Duqeymahan arxan darada ah ee saliibiyada Mareykanka ku hayaan Umadeena ayaan ahayn kuwo intaan ku ekaan doona.Waxaana la wada ogsoon yahay go’aanadii foosha xumaa iyo xeerarkii Amni ee Trump saxiixay markuu xilka la wareegay.Xeerarkaas oo laamaha Military iyo sirdoonka Mareykanka u ogolaanaya in ay gumaadaan Umaddeena, Duqeeyaan deegaanadeena. Siyaasadan cusub ee Mareykanku qaatay ayaa u aqoonsaneysa Soomaaliya in ay tahay goob dagaal, hadaf ka reeban beegsigoodana uusan jirin gaar ahaan haddii dadka la beegsanayo ay yihiin Muslimiin”.

“Reer Muqdisho waa in ay ogaadaan Mareykanku in uu ku jiro aargoosi salka ku hayo jabkii ka gaaray Soomaaliya, Wuxuuna u hamuun qabaa xasuuqa Umaddan, waxaana deeqi waayey kumanaankii ay diyaaradihiisu ku laayeen xaafadaha Muqdisho.Reer Muqdisho waxaan leenahay waan idiinla dareemeynaa culeyska la idinku hayo, waxa loo dan leeyahayna waa in la idiin gumeeyo ee gunta dhiisha isaga dhiga, Allaah gargaar weydiista, Wiilashiina Mujaahidiinta ah wey idiin garab taagan yihiin ee gacan siiya si aan gumeysiga gaalada isaga dulqaadno”

kalimaddan ayaa ku soo adeysa xilli laga deeyriyey xaaladda caafimaad ee hogaamiyaha xarakada alshabaab Axmed ddiriye abu ceybeyda.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...