AQRISO: dhaqtar xanaanada xoolaha ka shaqeeya oo lagu afduubay Hiiran(magaca)

Warar hoose oo soo gaaray xafiiska warqabadka shabakadda xaqiiqonews ayaa sheegaya in dhaqtar ka shaqeeya xanaanada xoolaha laga afduubay agagaarka Deegaanka caloolcad ee gobolka hiiraan.
Dhaqtarka la afduubay oo lagu magacaabi jiray Xasan Madoobe ayaa waxaa la socday labo kale oo si tababar ah ula shaqeeyneysay.
Wararka qaar ayaa sheegaayey in dadka la afduubtay loo gaxeeyey deegaanka luuqa jeelow balse warar hoose oo ay heshay xaqiiqonews ayaa tilmaamaya in raggani la afduubtay loo kaxeeyay degmada buq-aqable oo ka tirsan gobolka hiiraan.
ma jirto ilaa hadda wax war ah oo intaasi ka baxsan oo la heli karo oo ku saabsan afdbuukani.
Xasan Madoobe aya la shaqeeya NGO maxali ah oo lagu magacaabo(CENTRAL LIVESTOCK PROFTIONAL ASSOCIATION)
NGO_kaasi oo qandaraas ka qaata hay,adaha qaramada midboobay waxayna lacag kumaanaan ah ku qaatan daaweeynta xoolaha balse taasi oo aan dhicin inta badan.

WIXII WARAR AH EE SOO KORDHA KALA SOCO XAQIIQONEWS

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA