AQRISO: Dood Kulul oo Dhaxmartay Wariye Ka tirsan Al-Jaziira iyo Sheikh Imaaraat-ka u Dhashay

La Wadaag Asxaabtaada

Gabadha wariyaha ka ah Tv-ga Al-jaziira Khadiija Bin Qanah ayaa dood dheer la gashay sheikh daaci ah oo u dhashay Imaaraatka oo Imaam ka ah masjidka Zayid laguna magaacabo Wasiim yuusf.
Doodan oo salka ku heysa xariirka loo jaray qadar ayaa timid ka dib markii Wariyaha ay daleeceysay mid ka mid ah muxaadaaradka sheikha uu kaga hadlaayey “In ay is xariiriyaan xitaa qaraabada nool iyo kuwa dhintay una banaantahay dumarka in ay booqdaan dadkii qaraabada la ahaa ee dhintay xariirin darted.”
Khadiija Bin Qanah ayaa tiri Iyadoo ka hadleysa muxaadarada sheikha”Cajiib badanaa maxaa keenay in xariirka loo jaro qadar arintaasi oo ay ka dhalaneyso in xariirkii loo jaray 50,000 oo qoys oo dad nool ah”
Khadiija oo sii hadashay ayaa tiri”Waxaan la yaabanahay culimo dadaal ku bixineysa in ay fawo ka soo saaraan in la xariiriyo dad dhintay dumarkana u baneeynaya in booqdaan dadkii dhintay qaraabo xariirin darteed cajiib ma dadka dhintay ayaa ku muhiimsan in la xariiriyo mise dadka Nool !”
Dhankiis Sheikh Wasiim Yuusuf ayaa ku soo jabaabay hadalo adag oo aan u qalmin in isticmaalo nin sheikh ah isagoo yiri”Saxiix Tv—giina Al-KhinZiira(waxa uu kala jeedaa al-jaziira) waxa ay dadka is qarxiya u kala diraan Liibiya tuunis masar badalkeedana annaga waxaan u tagnaa dadkii aad wax yeeleyseen waxaana ka raali gelinaa danbigii aad sameyseen.
Dhankeeda Khadiija Bin Qunah ayaa hadalka dejisay iyadoo tiri” Sheikh alaha ku soo hanuuniyo ! waxaan ku jirnaa bil ramadaan waxaana kaa rabay jabaab adna waxaad soo qortay al-khinziira ! hadiiba dadkiina culimada ah sidan u hadlayaan maxaan ka filan karnaa dadkiina Caadiga ah ?
Hase ahaatee sheikh wasiim oo carada ay ku sii badatay ayaa dhankiisa soo qoray” Tv-ga al jaziira hadii aan nahay shucuubta xorta ah ee carbeed waxaan u naqaanaa Al-khinziira(tii doofaarta aheyd) hadda ka dib waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan fatwooyin kaga soo saari lahaa Tv-giina.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada