Aqriso…Laacibiintii Aduunka Ugu Hantida Badnaa Ee Shiiday !

-

Inkastoo Lacago Malaayin ah ay jeeb ku ridteen intii ay ku jireen garoomaha, tiro ay yareyn oo ka mid ah xiddigahaasi ayaa ku fashilmay in xajistaan hantidooda,.

Xaqiiqonews.com-Ciyaaraha

Tusaalaha waxaa ka mid ah laacibka rer Argentina Diego Maradona(diyooga Maaradoona) iyo xiddigii hore ee Brazil Ronaldinho(ronaaldiinyo) kuwaasi oo ku fashilmay in ay ku  horumariyaan nolashooda meel dibadda ka ah roogga cagaaran.

Waa kanaa liiska qaar ka mid ah xiddigaha ugu caansan, kuwaasi oo ku fataalay hantidooda, ka dib markii ay ka fadhiisteen kubadda cagta.

-Xiddiga Reer Ghana Asamoah Gyan

Ninka ugu goolasha badan xulka Ghana, kana soo ciyaaray horyaalka Ingiriiska Asamoah Gyan waxa uu dhawaan shaaciyey in xisaabtiisa bankiga ay ku harsan tahay oo kaliya 760 doolar.

Gyan waxa uu qaadan jiray $228 kun oo  doolar todobaadkiiba,  mar uu ka ciyaareyey horyaalka shiinaha sanado yar ka hor.

-Laacibkii Brazil Ronaldinho

Lajandihii Brazil ahaana Laacibkii Barcelona Ronaldinho hadda waxa uu ku qaameysan yahay deen qiimaheedu dhan yahay $ 2.2 million oo doolar.

Ronaldinho, 10 sano  ka hor waxa uu ka mid ahaa ciyaartooda  dunida ugu fiican, hase yeeshe qorsha xumadiisa nolasha ayaa ku kaliftay wax badan.

Ninka Rer Argentina Deigo Maradona

Ninkani ayaa ku dhawaaqay in uu shiiday 9 sano ka hor,  sidaasi oo ay tahayna maxkamad Taliyaani ayaa ku amartay in uu bixiyo lacag dhan $50 Milyan oo doolar oo ah cashuur oo ka dhuuntay xilligii uu u ciyaari jiray Napoli 1980-kii.

Ciyaaryahankii ingiriiska  Paul Gascoigne

Markii uu ka fadhiistay ciyaaraha noolasha ciyaaryahankan ayaa isku badashay “Bilaash” ka dib markii uu  la qabsaday Alchohol-ka iyo Maandooriyaasha, deymaha lagu leeyahayna waxa ay gaareen $ 250 kun oo doolar.

goolhayihii Rer Ingiriis David James

Goolhayii heerka Caalami ee Ingiriiska David James, waxaa uu ka cawday “Furiin” burburiyey noolashiisa, ninkani ayaa shaqeystay lacag dhan 25 milyan oo doolar intii uu ku jiray garoomaha, furitaankii xaaskiisa ayaa uu kaga baxay qarash badan ilaa ugu dambeyn uu faafiyey shiidnimadiisa sanada yar ka hor.

Ciyaaryahanka rer Norway John Arne Riess

Ninkani ayaa baahiyey in uu noqday “Shiid” labo sano un ka dib markii uu kooxda Liverpool kula guuleystay Horyaalka Yurub ee “Champions League”, dowladda wadankiis ayaana ka dalbatay qarash aad u badan oo ku saabsan kanaax, isagoo lagu soo eedeeyey in uu si xun u maamulay lacagihiisa.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...