Waxaa dhawaan is badal badan lagu sameeyey gudoomiyaashii gobolka banaadir iyadoo 15 ka mid ah la badalay halka labo ka mid ahna xilkooda loo daayey.
15-ka la badalay ayaa dhamaantood ahaa kuwa ka soo jeeda beesha hawiye marka laga reebo labo iyaga ka mid ah oo ahaa beelaha shanaad gaar ahaan reer xamari.
waxaana la magacaabay 15 gudoomiye degmo cusub oo labo ka mid ah yihiin Daarood iyo Dir oo in muddo ah aan xil loo dhiiban Gobolka benaadir sidii ay u burburtay dowladdii siyaad barre.
ha yeeshee is badalkan cusub ayaa dadka qaar waxa ay ku micneeyeen siyaasad ku dhisan qabyaalad oo mr farmaajo uu la ciyaaraayo beesha hawiye isagoo si xirfadeysan is badal muuqdo u sameeyey.
waxaa uu magacaabay siyaasi daarood ah si uu arintaasi u qariyana waxaa uu magacaabay siyaasi kale oo ka soo jeeda beesha dir si aan madaxweynaha loogu arkin qabiileste waliba madaxweynaha waxaa uu ka fikiray qaab aan marnaba lagu fahmi karin isagoo ninka daaroodka ah ee uu magacaabay ka dhigay Majeerteen taasi oo madaxweynaha ka yareyneysa culeyska ah madaxweynaha waxaa uu xil siiyey Mareexaan.
isku soo duub waa markii ugu horreysay siyaasi daarood ah Loo magacaabo xil gobolka benaadir ah muddo Ku dhaw 30 sanadood.
AQRISO: Waa Kee Gudoomiyaha Degmo oo Daaroodka ah Gobolka Benaadir Ee Dhawaan La magacaabay
-