Aqriso:Taariikh Madow Maalinta Jaceylka Aduunka #Valentine’s Day

-

14-ka feb Maalinta jaceylka aduunka Valentine’s Day ayaa ah waqti dad badan ay iskugu imaadaan dabaaldagyo, balse taarikhda soo jireenka ah ee maalintan ayaa ah mid madow, dhiig leh islamarkaana ah mid sumcad xun.


XAQIIQO NEWS-

Inkastoo aysan jirin cid si dhab ah u xaqiijin karta halka ay ka soo jeedo maalinkan wadamada qaar ay galaan fasaxa, hase ahaatee waxaa loo tiiriyaa Romaankii Hore iyadoo ragga ay garaaci jireen dumarka si xoog ah.

Romans-kii Duur jooga ahaa islamarkaana Waalnaa

13 feb ilaa 15 Feb Romans-kii hore ayaa u dabaal dagi jiray ciidooda Lupercalia ragga ayaa gowrici jiray ari iyo eeyo, halka dumarkana ay xiran jireen maqaarka xaywaanaadka la gowracay isla waqtigaasi.

Romaansiyiintii romanka waxa ay ahaayeen kuwa “Sarqaasan” oo hadana “Qaawan” sidaasi waxaa yiri Noel Lenski, oo bara ka ah jaamacadda Colorado gaar ahaan kuliyadda taariikhda .

Gabadha yar waxa ay dooran jirtay ninkii garaaci lahaa, tani waxa ay ka aaminsanaayeen in ay tahay waxa u suurtageliya dumarka in ay dhali karaan.

Hadaba romans-kii hore ayaa mas,uul ka ah magaca maalinta dadka qaar u dabaal dagaan ee Valentine’s Day, waxaana la sheegaa in Imbaraadoorkii lagu magacaabi jiray Claudius-kii labaad uu xukun dil ah ku fuliyey labo nin oo mid ka mid ah lagu magaacabi jiray Valentine- 14-kii feberaayo, hadaba kaniisada Catholic oo sharfeysa ninka ladilay, ayaa maalinkaasi ka dhigtay ciid iyagoo ugu magac daray Valentine’s Day.

dhanka kale waxaa jiro sheeko kale oo iyadana tilmaameysa in Ramonkii ay u dabaaldagi jireen maalin lagu magacaabo Galatin’s Day, oo macnaheedu tahay “Maalinta jaceylka dumarka” waxaana sida la sheegay dadka ay isku qaseen maalmaha Galatin’s Day iyo Valentine’s Day madaama ay isku dhawaaq yihiin.

Si kastaba ha ku baxdee dad badan ayaa maanta u badaal degga maalinkani Valentine’s Day, waa maalin christiank-ka agtooda ku weyn, balse diimaha Islaamka iyo Urdu-ka ayaa labadaba mamnuucya in loo badaal deggo ciidan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...