Aqriso:Warbixin Ka Careysiisay reer Muqdisho Oo dhan#ha aqrinin hadii aad xanaaq dhawdahay

Qaabkee buug ama Warbxin looga qaraa Muqdisho?

had iyo jeer isticmaal ereyga ‘muqdisho’ ‘caasimada’ ‘xamar’ marka aad qoreyso ciwaanka, hase ahaate waa lagama maarmaan marka aad ciwaan hosaadka qoreyso in aad isticmaasha ereyada hoose sida:
‘hawiye’ ‘abgaal’ ‘habar gidir, ‘qaxooti’ ‘nin la dilay, ‘qarax dhacay’ ‘amisom oo dad jiirtay’ ‘nabadoon shir jaraa’id qabtay’ ‘bajaaj shil gashay’ ‘dad abaar heyso’ ‘siyaasi la weeraray’ ugu danbeyntii iska hubi warbxintaada in aad ku soo dartay ‘wadooyin laxiray’.

marka aad kahadleyso ugu hadal sida reer muqdisho in ay yihiin dad wada dhashay balse xasuusnow in ragga ku nool magaalada ay yihiin madow halka dumarkana ay yihiin cadaan , ha ka hilmaamin qoraalkaada dadka in ay yihiin dad qani ah hase ahaate u dhimanaya baahi qoraalkaadana ku soo dar in magaalada ay ku noolyihiin labo qolo oo kala ah dad marti ah iyo dad marti loo yahay-ileen wey aaminsanyihiine.

magaalada waxa ay leedahay dhismayaal dhaahdder, degad,airport, iyo goobo oo kale oo muhiim ah balse aqristow ha ku mashquulin gobaahaasi waxaa kaliya oo qoraalkaada kaga filan in aad ka sheegeyso qisooyin jaceyl ah,fanaan heesay,bandhig faneed la qabtay iyo qabiil la dulmiyey.

xasuusnow mar walbo sida reer muqdisho ay u leeyihiin taariikh music jaceyl ah iyo sida o ciidooda ay u martigelisay bandhigfaneedyo dhowr ah oo kumanaan lacag ah loogu aruursaday waana muhiim in aad qoraalkaada ku xusta sida aad ugu raaxeysato daawashada heesaha- ileen aad ayey u jecelyihiin.

marka aad ka hadleyso cuntada uma baahnid in aad ka sheegeyso rooti,bariis iyo baasto waxaaba kaga filan sanbuus iyo leeloofow oo ah dooqa koshiinlayaasha reer muqdisho sidaa darteed waa in aad qoraalkaada ku soo dartaa sida aad ugu raaxeysato cuntooyinkan.

ogow hadii aad dooneyso in aad ka hadasho jaceylka dhaxmara lamaanayaasha rer muqdisho {hadiiba jaceylkaasi uusan noqon mid keenay dhimasho} kaliya tix raac ka dhigo buugaagta reer muqdisho iyo qorayaashooda oo aanba wax kale ka hadlin.

dabeecadaha kale ee rer xamarka waxaa ka mid ah “dad dagaalamaya oo baahan” dumar muslimiin ah oo iyaga qaawan hoteelada camira”.

siyaasiga ugu il baxsan ee muqdisho joogo waa nin buuran oo fadhiya xafiis dowladeed islamarkaana shaqada u diidaya dadka aqoonyahanada ah ee sida dhabt ah u daryeeli lahaa magaalada, waa qurba joog dibadda ka yimid islamarkaana isku badalay siyaasi hooyadiisna waa saaxirad jiniyaasha dumarka ka qiijisa.

hadii aad dooneyso in aad ciwaan u sameysa bugaada uma haabnid in aad ku qorto “sidee loo sameeyaa birlab daneeb{electromagnet} ama ” sidee loo dhulka loogala soo baxaa iron oxide ” balse kaliya waxaad ku soo jiidan kartaa in aad ciwaankaada far waaweyn ku qorto “yaa ka danbeeyey dhiibista qalbi dhagax” iwm.

mar walbo buugaada ku soo gagabeey in aad magac fiican ugu yeerto hogaamiye kooxeed hore sida “generaal sheikh yusuf siyaad indha cade, senator cabdi qeybdiid ,xaaji muuse suudi yalaxow-maxaa yeelay aqristayaal badan ayey soo jiidan doontaa.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA