Arag..Xaqiiqo Ku Saabsan Hurdada Oo Aadan Maqlin

-

Hadii waligaa aadan isku arkin “Baralaayska Hurdada” waxaa tahay qof nasiib badan, laakiin ogow qof walba waa ay ku dhici kartaa


Xaqiiqonews-Saynis/Caafimaad

Waliga ma kacday habeen barkii adiga oo dareemaaya cabsi, argagax mana awoodid in aad dhaqaaqda ama hadasho/waxa aad isku dayeysaa in aad qeyliso,haddaba ku soo dhawoow “Baralayska Hurdada” , hadiise aadan isku arkin caalamadahaas waxaa tahay qof nasiib leh, ogow qof walba waa ay ku dhici kartaa.

Baralaayska Hurdada waa Dhibaato caafimaad oo soo wajahdo dadka qaar, waana marka qofka doonaya in uu hurdada ka soo tooso balse uusan awoodin karin in uu dhaqaaq sameeyo ama hadlo.

Waxaa muhiim ah in aan la isku khaldin barlaayska hurdada iyo dadka qaba baraarugga cabsida ee habeen barka, dadka qaba baraarugga waa ay soo fadhiisan karaan iyaga oo aan ka warqabin hareerahooda.

Muxuu Sayniska Ka Qabaa Baralayska Hurdada?

Sayniska ayaa ku sharxay xaaladdan in ay tahay marka qofka jiirkiisa uu wili ku jiro xaalad hurdo ah, hase yeeshe Maskaxdu ay soo jeeddo.

Sidoo Kale Aqri: Maxey Ka Dhigantahay Riyada Xilliga Hurdada?/

Maskaxdu waa ay soo jeedda laaki jirka ayaa ku jira hurdo, qofkana ma awoodo in uu sameeyo wax dhaqaaq, intaasi waxaa weheliya cadaadis qofka ka soo fuulaaya xabadka taasina waa sababta dadbadani ay ka soo toosaan Baralayska hurdada iyaga oo neef raadinaya.

Inkastoo baralaayska hurdada ay tahay xaalada cabsi badan, haddana ma jiro sabab keeneysa in laga welwelo, sababtoo ah malahan wax dhibaato jireed oo uu geysan karo, ma jiro wax xaalado dhimasho oo u sababay inta la ogyahay ilaa hadda.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...