Arday Falastiini oo lagu magacaabo Jamal Shakhtor ayaa horumariyey gacan robot ah isaga oo isticmaalaya qalabka fudud ee laga heli karo goobtiisa shaqo oo ku taala magaalada Beytu Laxam.
XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI
Wiilkani 26 jirka ah kuma cusba sameynta qalabyada casriga ah ee caawinaya dadka baahiya gaarka ah qabo.
Wiilkani ayaa horay u sameeyey qababka neef caawiyaha, iyo kursiga caawiyaha dadka cuuryaank ah oo uu gacantiisa ku sameeyey.
Sidoo kale Aqri: Qalab Dadka Aragga La’ Caawinaya Oo Soomaaliya Lagu Sameeyey
Wiilkan ayaa bandhigyadiisu waxa ay qeyb ka ahaayeen barnaamijka “Xiddigaha Qatar ee Sayniska” oo ah barnaamij toos telefishinka looga sii daayey.
