Arimaha Dibadda Shiinaha Oo Markii Ugu Horeysay Faallo Ka Bixisay Gantaalkii Fakaday

-

Wasaaradda arimaha dibadda Shiinaha ayaa maanta oo jimco ah faallo ka bixisay “gantaalkii fakaday” kaasi oo xakameynta ka baxay.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Shiinaha Wang Wenbin oo ka hadlaayey gantaalkii baxsaday ee la filnaayo in uu ku soo dhaco dhulka ayaa sheegay in gantaalka uu guban doono marba hadii uu soo galo daboolka dhulka.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in ay adagtahay in uu wax dhib ah geysto gantaalka-sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters,isaga oo yiri “in uu dhibka geytso aad ayey u yartahay”.

Xilli sii horeysay oo isla jimcada ah ciidanka cirka Mareykanka ayaa ku baahiyey webseetka “Space trek”, waxyaabaha au filanayaan ee ku aadan gantaalka iyaga oo tilmaamay in gantaalka uu soo gali doono daboolka dhulka 9-ka May, meel ku aadan waddanka Turkmenistan.

Sidoo kale Aqri: Maxaadan Ogeyn Oo Shiinaha Dunida Ku Soo Kordhiyey Dhawaan

Sida ay sheegayaan ciidanka Mareykanka gantaalka ayaa daboolka dhulka soo gaari doono 9 May, 2:3 saq dhexe xilliga maxaliga ah ee Muqdisho, waxaana la filayaa in uu ka soo galo dhulka meel ku aadan Turkmenistan

Ciidanka Mareykanka waxa ay horay u sheegeen in gantaalka uu ku aadan yahay meel ku aadan Badweynte beesifikada oo ku dhaw NewZealand.

Waxa ay u badan tahay in gantaalka uu burburo hadii uu soo galo daboolka dhulka, waxaana la filayaa oo kaliya in dhulka ay soo gaaraan “burburka gantaalka”, laakiin hadii ay dhacdo in uu soo dhaco gantaalka oo isheysta waxaa la saadaalinayaa in uu ku soo dhici doono badaha.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...