Dowladda Soomaaliya ayaa si jilicsan uga hadashay Sawirkii doodda dhaliyey ee lagu daabacay website-ka Wasaaradda A. Dibadda Itoobiya.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Wasiir Cawad oo Arimaha Dibadda u Qaabilsan DF-ka ayaa la hadlay VOA-da isaga oo sheegay in Itoobiya ay kala hadleen waxa ugu yeeray “khaladkii dhacay”.
Wasiir Cawad ayaa yiri ” waan aqbalnay cudur daarka ay bixisay dowladda Itoobiya’.
Lahjadda Jilacsan ee DF-ka ayaanan soo jiidan dad badan oo arintani ku tilmaamay “Gardarro cad”
Si kastaba ha ahaatee Dowladda Soomaaliya Ayaa u muuqata in ay la qabsatay bahdilaadda iyo meel ka dhacyada ka dhan ah jiritaanka Soomaaliya.