Askarigii Gacantiisa Ku Dilay Usama Oo shan sano ka dib buug qoray”the operator” aqriso xog dahsooneed

La Wadaag Asxaabtaada

Askarigii hore ee ka tirsanaa ciidanka mareekanka kaas oo sheegtay in uu mas,uul ka ahaa dilkii sheikh usaama bin laden ayaa qoray buug uu ku sheegaayo qaabkii askarta mareekanka howlgalka u fuliyeen.
sheikh usama bin laden ayaa lagu dilay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada khaaska kumaandooska mareekanka
2-da bisha may sanadkii 2011.
Askarigan oo horay oga tirsanaa ciidamada badda mareekanka ayaa lagu magacaabaa Robert O’Neill waana 41 sano jir isagoo dhawaan qoray buug uu ka sheegeeynaayo qaabkii uu u dhacay dilka usaama buggaasi oo lagu magacaabo”the operator”
Askarigan ayaa yiri” dhismaha uu dilka ka dhacay ee sheikh Usama joogay waxaa uu ka goobnaa seddex dabaq” isagoo raaciyey”markii aan kornay dabaqa sare waxaan la kulanay rasaas xooggan oo iska caabin ah markii danbe waxaan ogaanay in qofka na rasaaseeynaayey uu ahaa wiil u dhalay usama oo lagu magacaabo khaalid bin laden hase ahaate is rasaaseenta ayuu ku dhaawacmay khaalid”
askarigga oo sii wata hadalkiisa ayaa waxaa uu yiri”ka dib waxaan kornay dabaqa seddexaad waxaan xoog ku galnay qolkii jiifka ee usaama ka dib waxaan dilnay labo haweeney ah oo aan kaga shakinay in ay is qarxiyaan”
Robert O’Neill ayaa sheegay in markaasi ka dib ay is arkeen sheik usaama halkaasi oo is rasaaseen culus ka bilawatay waxaana usaama rasaas kaga dhacday madaxa ay sababtay in madaxiisa laba qeybood u kala dhaco
“rasaas ayaana mar labaad madaxa kaga hubsaday si aa u xaqiijiyo inuu dhintay” ayuu yiri askariga
Madaxweynihii hore ee marekanka Obama ayaa amaanay howlgalka lagu khaariyey usaama isagoo u argaayey mid kamid ah waxqabad yadiisa ugu waaweynaa intii uu xilka haayey.
Maalmo ka dib mareekanka ayaa ku dhawaaqay in la dilay usaama laakin ilaa hadda ma jirto cid aragtay meydkiisa xilli dilkiisa laga joogo shan sano oo kaamil ah.
baartiteen uu sameeyey tv-ga aljaziira ayaa muujinaya wareysi lala yeeshay usaama xaaskiisa iyadoo leh”sheikha waxaa uu ahaa mid ilaah ka baryo mar walbo in uu dhowro meydkiisa waxaa uuna dhihi jiray ilaahow meydkeyga gaal ka ilaali anoo nool ima taabanaayee”
baaritaano dhowr ah ayaa lagu ogaaday in sababta meydka usaama loo waayey ay tahay in diyaarad Helicopter oo ay wateen ciidanka dagaalka ku jiray ay ku dul burburtay guriga uu ku jiray usaama xilli ay joog hoose ku duuleysay howlgalkana uu socday.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada