Australia oo Ku Dhawaaqday In Biri Ay Tahay Maalinka Koowad ee Ciidul fidriga

La Wadaag Asxaabtaada

Golaha Federalka ee muslimiinta Australia, ayaa khamiista u aqoonsaday maalinka ugu dambeysa ee bisha Ramadaan, iyagoo sheegay in la ciidi doono maalinka Jimcaha oo ku aadan 15 June 2018.

Xaqiiqonews.com-Xiddigiska

Ku dhawaaqistan ayaa timid ka dib kulan ay yeesheen golaha oo uu hogaaminaayey muftiga Australia Dictor Cabdul cadiim Cafiifi,waxayna sheegeenn in dhamaan xirii ay la sameeyeen guud ahaan culimada muslimiinta ee ku sugan qaaradda Australia ay isku raaceen in jimcaha ay tahay maalinka koowaad ee ciidda.

Inta badan Muslimiinta Australia ayaa qaata ogeysiisyada ay sameeyaan golaha federalka muslimiinta, ee ku aadan bilashada bisha barakeysan ama dhalasha ciida.

Australia ayaa juquraafi ahaan dhacda dhanka ugu fog ee barri ee kowkabka dhulka aynu ku noolnahay, waxaana ay waqti ahaan ka horeysaa meelo badan oo dunida ka mid ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada