Awoodda Maskaxdaada Kici Oo Sameey Waxa aad Ku Riyooneysay#Waad Sameyn Kartaa

-

kalimadda ah “Waad samayn kartaa haddaad rumaysan tahay” ayaa ah halka la iskugu biyo shubto marka ay dadka doonayaan in kiciyaan awoodda Maskaxdooda, hase ahaate isku daykaasi ma sii shaqeeyo.

Ma ahan wax ku filan oo kaliya in la yiraahdo “ rumayso, wayna dhici doontaa.”

Dib u Raadi dhamaan caqiidooyinkaaga xagga diinta, siyaasadda, lacagta, dadka, bulshada iyo aduunka guud ahaan, Waxaad ogaan doontaa in asalka waxyaabaha aad aaminsan tahay uu kaga yimid dibadda, waxaana ku baray waalidiin, saaxiibo, ama warbaahin.

Dadka intiisa badani weligood ma aysan marin jimicsiga ah sameynta caqiidooyinkooda,ama aaminkooda sababtoo ah waxaa naloogu anqariyeyba maalintii koowaad.

 balse waxaaa la joogaa waqtgii aad badali laheyd  aaminkaada “waxa aad rumeysantahay”

Talaabada 1aad: Sameeyso Aamin Cusub.

aaminkan aan halkan uga hadlaayo ma ahan diin, ka soo qaad waxaad aamintay caqiido cusub oo ah “adigoo Somaliyada Afrika joogo in aad sameyn karto  baabuur cusub adiga oo Eber ka soo bilaabaayo(shay walbo in aad gacantaada ku sameyso) ..

ma doonaayo in aan badalo qaabka aad naftaado ula hadasho, balse kani waa tusaale oo kaliya …Rumey wax waliba oo aad jeceshahay , sameyso aaminkaada gaarka ah-laakin hadii aadan laheyn aamin gaar ah, ii ogolow in aan tusaalaha kore ku sii socono.

Ha ka baqin ama ha niyad jabin. Hal tallaabo qaado hal mar.

Hadda waxaad heysataa caqiido gaar ah(oo bulshada inteeda badan kugu diindantahay… waa maxay tallaabada xigta?

Talaabada 2aad: Buriseey aaminkaada(buris u qaado oo adkey aaminkaada. Caqiidooyinka intooda badan kuguma imaan habeeno aad u soo jeeday.

Dadku ma aysan rumaysteen caqiidooyinkooda siyaasadeed ama diimeed .hadiise ay jirin sabab la xariirta buriseyn joogto ah oo lagu waday muddo dheer. Dadka badankoodu waxay caqiidooyinkooda heleen markii ay ilmo ahaayeen, saaxiibadood, hoggaamiye diineed, macallimiin,waalidiin iwm, ayey ka maqleen waxa ay aaminsanyihiin.

Si kastaba ha noqotee, waqtigan, qofna ma jiro oo buris u qaadanayo aaminkaada cusub

Adiga ayaa leh aaminkaada gaarka ah, waana mas,uuliyad ku saaraan adiga in aad buriskaada qaadato.

Buriseyn joogto ah ayaa had iyo jeer musmaarkaada ku sii adkeyn doonta derbiga Aaminkaada.

musmaarkaada ayaa gudaha u sii galaya derbiga intii aad wato buriseynta.

Qaababka Buriseynta

-. Qor Aaminkaada Cusub maalin kasta.

Tani waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu awoodda badan ee aad sameyn kartid si aad u buriseysid  niyaddaada.ka gadaal Si dhakhso ah ayaad u arki doontaa, waxtarka qoraalka ee xagga ku adkeynta nafta.

-Ku rid meel kasta oo aad aragto.

Waxyaabaha kale ee aad sameyn kartid waa inaad ku qorto waxa aad aaminsan tahay ,ama aad daabacdid oo aad dhigto meel kasta oo aad aragto;  muraayada, albaabka, kombiyuutarka, TV, derbiga, musqusha, albaabka hore, meel walba.

Xaqiiqadu waxay ku nooshahay oo kaliya  maskaxda.

ma fahmi kartaa waxa macneheedu yahay    “Waxyaabaha  dhab ahaantii uma jiraan sida aan u aragno”  Waxa aan ula jeedo “wax” waa shayga aad u maleyneyso inuu yahay mid dhab ah sida. Qalinka, kombuyuutarka, warqad iwm.

Xaqiiqadu waxay tahay in aad  xogtaada  dhamaan ka qaadato deegaankaaga adigoo isticmaalaya 5-ta dareemayaal iyo habka aad maskaxda ku hayso,  markaasi waayo-aragnimadaada ayaa la abuuray.

Marka aan ka hadalno Maskaxda shay waba waxa aan u aragnaa sida maskaxdeenu u fahanto(waxaana na baray dadka nagu hareereysan sida waalidiin, saaxibo,warbaahin iwm) ee maskxadeenu uma aragto sida ay shayaasa yihiin.

Talaabada 3aad: Si joogta ah uga xirnow kooxda kula  wadaagaya aaminaaddaada.

Haddii aad dib u eegto Caqiiqadaada diinta iyo siyaasadda waxaa sameeyey  xiriirka joogtada ah aad la sameysay dadka kula wadaagay diin iyo siyaasad isku mid ah,iyaga ayaan gacan ka gaystay sidii loo adkayn lahaa diintaada.

Dadka aaminsan waxyaabo isku mid ah ayaa si dabiici ah isku soo jiita. dadka hodanka waxa ay soo jiitaan dadkale oo hodan ah, saboolkana dadka  saboolka, dabaqadda dhexana dad dabqadda dhexe ah.Waa xaqiiqo aan la fahmi karin.

Tallaabada 4aad: Sameey ficil

Hagaag. waxaad Sameysatay caqiido gaar ah, adigana si joogto ah ayaad u buriseysaa (adkeysaa) aaminkaada, had iyo jeer waxaad la xiriirtaa kuwa kula wadaagaya isla caqiidadaas.

Hadda waxaad diyaar u tahay inaad ficil Sameyso.

Waxa ugu weyn ee ku saabsan tani waa in aad horay u dejisay aasaaska aaminaad.

Sidaa darteed, tallaabo qaadashada ma noqon doonto mid adag. Waxay noqon doontaa dabiici.

Awooddaada ah inaad si fudud u qaadato talaabo ayaa si toos ah ula xiriirta heerka aad gaarsiisay  aaminkaada iyo sida aad u adkeysay.

Hadiiba aad horey u sameysey saldhig aad u xooggan oo “aaminaad” ah, waxay noqon doontaa  wax fudud in la qaado talaabo.

Sababta ay dadka intooda badan ugu guul daraystaan helitaanka himiladooda sare waxay ay tahay in ay isku dayaan inay qaataan tallaabo marka koowaadba, iyaga oo aan horay u soo dhisin xagga “aaminka”.

               Waxaan rejeynayaa in aad si dhab ah u fahantay waxa aan ka hadlaayo

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...