Madoobe Oo Lugaha Dhiiqa Kula jira..Maxay Yihiin Khiyaarada Horyaal?

La Wadaag Asxaabtaada

Ka hor Inta aanan is weydiin Muxuu Sameyn karaa Axmed Madoobe? waa in aan is xasuusinaa in qolada DF-ka aysan maftooda ku jirin raaxo, dagaalka siyaasadeed ee Jubbland waa mid naafeeyey dhinacyada oo dhan.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Dad badan ayaa aaminsan in joogitaanka Kenya ee Jubbland uu meesha ku heyn karo Axmed Madoobe,dadka sidaasi u fikiraya waxa aysan ka warqabin ayaa ah in Joogitaanka Kenya ee Jubbland uusan aheyn Axmed Madoobe dartiis, Kenya waxa ay ilaalineysaa danaheed gaarka, sidaa darteed isku soo dhawaansho walbo oo Df-ka iyo Kenya dhaxmara si waafaqsan danaha Kenya waxa uu meesha ka saari karaa daneynta Kenya ee Axmed Madoobe.

Aan is weydiino markani, waa maxay go’aanada iyo khiyaaraadka horyaalla Axmed Madoobe?Ma dhihi karnaa in Kursiga uu ku madax adeego waxa ay markale fursad u siin kartaa in uu xilkan qabto?

Jawaabta waxa ay u badantahay Maya, xitaa hadii shacabka Kismaayo lagu qasbo in ay u sujuudaan Axmed Madoobe, taasi marnba ma keeneyso in Axmed Madoobe uu ku soo laabto Kurisga, badalkeedana dhibaatada ayaa sii baahi doonta, culeysyo intan ka badana waxa ay mar waliba ka qarxi karaan gudaha Kismaayo.

Wadahal

xitaa hadii DF-ka aysan ku jirin xaalad raaxo ah, khiyaarka koowaad ee Axmed Madoobe horyaalla waxa uu yahay in uu wadahal la furo kooxaha isaga ka soo horjeeda, taasi oo keeni karta isfahan ka madax banaan faragelinta shisheeyaha.

Iscasilid

Waxaa dhici karta in go’aankani in uu yahay mid aad u qaraar, ama waxaan dhihi karnaa waa go’aanka uu ugu necebyahay Axmed Madoobe, markase loo hadlo si dhab ah go’aankani waa midka ugu faa’idada badan Axmed Madoobe, in uu xilka iskaga tanaasulo si odaynimo ah waxa ay Madoobe siin kartaa dhibco fiican, suuragalna ma ahan in khiyaarka noocani ah Axmed Madoobe qaato hadii uusan la imaan biseyl iyo aragti fog.

Sidoo Kale Aqri waa Kuwan Seddexda Qolo Ee Kismaayo ku Khasaartay

Dagaal Furan

Khiyaarkani dambe oo ah kan ugu xun, ayaa waxaa Axmed Madoobe uu ku kalifi doonaa “Kharash aad u badan” waa arin shaki weyn laga qabi karo doorka Kenya ay lu lahaan karto.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada