WARARKAAxmed Madoobe Waxa Uu U Dhaxeeyaa Kenya Iyo Kenyatta

Axmed Madoobe Waxa Uu U Dhaxeeyaa Kenya Iyo Kenyatta

-

Marka doodu ay taagantahay masiirka Axmed Madoobe, waa arin xasaasi ah in aan kala fahano farqiga u dhaxeeya Kenya iyo Kenyatta.

-Axmed Madoobe in uu kursiga sii fadhiyo ama in uu iska tago, waa go’aan doonistiisu ay ku xirantahay xisbiga Jubilee ee uu hogaamiyo Kenyatta

Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

“Waa in aan ciidankeena si dhaqsiyo ah kala baxnaa Soomaaliya” ayuu yiri
Kalonzo Musyoka, oo ah gudoomiyaha xisbiga Wiper Democratic Movement oo ka mid ah xisbiyada mucaraadsan siyaasadda “faragelinta ku dhisan” ee xisbiga Jubilee gar-wadeenka ka yahay.

Nicholas Gumbo  oo isna ah siyaasi Kenyan ah waxa uu aaminsanyahay in Kenya ay u baahantahay “dib u fikirid”, waxa uuna sheegay in Itoobiya xad dheer la leedahay Soomaaliya balse aysan marna wajahin qatar la mid ah tan Kenya ay wajahdo.

Si kooban Xisbiyada mucaraadka Kenya waxa au isku raacsanyihiin in Kenya ay kala saarto Jubilee iyo Jubbland.

Haddaba aan soo gabagabeeyo natiijada mowduuca, waxaana filayaa in sida qoraxda u cadahay, waxaanse isku dayaa in aan qodobadan ku soo koobo.

-Axmed Madoobe xiriir lama lahan nidaamka dowliga ee Kenya, waxa uu gacan saar la leeyahay shakhsiyaad gaar ah sida uhuru Kenyatta.

-Si guud dowladda Kenya waxa dan weyn kama lahan Axmed Madoobe, laakin waxa ay u arkaan gaadiid kan ugu fiican ee lagu guuri karo.

-Axmed Waxa aan aaminsanahay in lagu heshiin karo wax walbo, aan ka aheyn in ciidanka Kenya ka baxaa Soomaaliya.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...