WARARKAFaafaahin..Axmed Shaakir Oo Isku Qarxiyey BacaadWeyn!

Faafaahin..Axmed Shaakir Oo Isku Qarxiyey BacaadWeyn!

-

Idaacadda Al-shabaab ayaa baahisay wareysi laga qaaday ninkii isku qarxiyey deegaanka bacaad weyn, kaasi oo magaciisu lagu sheegay Axmed Cabdullaahi Abdiqaadir oo ku magac dheeraa (Axmd Shaakir).


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Intiina wararka la socda, waxaad ka warqabtiin xiisadda ka taagan gobolka Mudug, halkaasi oo todobaadyadii ugu dambeysay ay isku fara saareen ciidanka Df-ka qeybta Mudug iyo ciidanka Galmudug oo dhinac ah iyo dagaalyahanada Al-shabaab oo dhinac kala ah.

Idaacadda Al-shabaab ayaa baahisay codka iyo wareysi laga duubay dagaalyahankii isku qarxiyey ciidanka huwanta ee weeraray Bacaadweyn maalinta Jimcada ee la soo dhaafay.

Ninka is qarxiyey oo magaciisu lagu sheegay Axmed Shaakir ayaa sida idaacadda sheegtay ka soo jeeda beesha Tuni.

Wareysiga laga qaaday Axmed Shaakir ee la sii daayey ayaa imaanaya xilli wili ciidankii dagaalamay ay isku horfadhiyaan deegaanadii lagu dagaalamay, halka labada dhinacna ay kala sheeganayaan guulo.

Bacaadweyn iyo deegaanada hoos yimaada ayaa todobaadkii ugu dambeyeyy marti geliyey iska horimaadyo xoog leh oo u dhaxeeyey ciidanka huwanta iyo Al-shabaab.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...