Sheekadan ma ahan mid khuseysa baabuur cusub oo suuqa soo galay, waa sheeko xiiso badan oo wax ka tari karta go’aan qaadashadeena iyo sidii aan u badali laheyn qaabka fikirka.
Xaqiiqonews-
Hadii aad aragto ganacsi guuleystay, ogow qof ayaa sameeyey go’aan dhiiran
Peter F. Drucker
Dhamaadkii kontomeeyada waxaa jiray nin u shaqeyn jiray shirkad baabuurta sameysa oo lagu magacaabo “Ford”, ka dib khilaaf soo kala dhaxgalay ninkii iyo shirkadda, waxaa laga buriyey shaqada.
Ninkani waxaa uu go’aansaday sidii uu uga aarsan lahaa shirkadda shaqada ka ceyrisay, ka dibna waxa uu ka shaqo bilaabay shirkad kale oo baabuurta sameysa oo lagu magacaabo “Chrysler” balse shirkaddan cusub waa ay qaameysantahay, waxaana lagu leeyahay deymo fara badan oo kor u dhaafaya 80 Milyan oo doolar Mareykanka ah.
Sidoo kale Aqriso: sidee maskaxda loogu borogaraamiyaa guusha
In ka badan 50’000 kun oo shaqaale ayaa qarka u saran shaqo la’aan hadii shirkadda la xiro, waxaana xirmaya 2500 oo farac oo shirkadda ay ku leedahay dunida oo dhan.
Ninkii waxa uu ka shaqo bilaabay shirkaddan Qaameysan, muddo gaaban gudaheed waxa uu ka mid noqday maamulka shirkadda.
Ugu horeyntii ninkani waxa uu aaday Congress-ka, waxa uuna dalbaday lacago deymo ah, madaxweynihii xiligaasi ayaana taageeray go’aanka madaama hadii shirkadda xiranto ay shaqo beelayaan 50’000 oo shaqaalo ah.
Ninkani waxaa gacanta laga saaray 5 Bilyan oo doolar, balse dhibaatada jirta ayaa ah xagee wax laga bilaabaa? Lacagtani maxaa lagu qabtaa?
Waxaa uu go’aansaday in lacagtani lagu soo saaro baabuuro cusub, laakin dhibaatadu waxa ay ka taagan tahay suuqgeynta tusaale “baabuurtan cusub maxey ka duwan yihiin baabuurada suuqa yaalla, maxey dadku kugu soo aadayaan?
Xilligaasi waxaa uu ninkani la yimid fikrad cajiib ah isagoo isagu yeeray dhamaan shaqaalaha, waxa uuna ku wargeliyey hadii lix bilood gudahood ay keeni waayaan baabuur ka duwan kuwa suuqa yaalla in dhamaan shaqada ka joogsan doonto.
Runtii Lix bil gudahood shirkadda waxa ay sameysay waxqabad weyn, waxaana markii ugu horeysay dunida ay soo saareen baabuur hadlaya.
Baabuurkani ayaa ku hadlayey 10 kalmadood tusaale “Ha hilmaamin furaha”, “ha hilmaamin daaqadda oo furan iwm.
Waxaana dhacday in shirkaddani ay beec u hesho 8 bil gudahood uga yaraan 1 Milyan oo baabuur, waxaana ninkii uu awooday in uu bixiyo deymaha shirkadda lix sano gudahood, waxa ayna shirkaddii ka mid noqotay 5-ta shirkadood ee ugu waaweyn dunida xagga sameynta baabuurta.
Waxaasi oo dhan waxaa ay ku bilowdeen go’aan uu gaaray ninkan, go’aankan noocani ah waxaa lagu magacaabi karaa “Go’aan adag”.
Dhamaanteen waxa aan leenahay go’aamo aan ka mideysanahay sida “waxaan jecelnahay in aan guuleysano, in aan noqono dad faraxsan, waxaase jirta in badanaa aanan sameyn wax talaabo ah oo aan uga dhabeyneyno go’aanadeena, go’aanada noocaasi ah waxaa loogu yeera “go’aanada jilicsan”.
Ugu dambeyntii waa in aan ogaano in go’aanada ay yihiin kuwa qorsheeya aayaheena iyo sida ay u muuqan doonto noolasheena.