Wararka inaga soo gaaray Isgoyska Ex Control Afgooye ayaa waxa ay sheegayan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax si weyn looga maqlay Agagaarka goobta uu ka dhacay, sida ay inoo sheegeen Goobjoogayaal.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay Gaairga in ay qabteen Ciidamada ammaanka, kadibna ay qarxiyeen oo uusan geysan wax khasaare ah.
si kastaba, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiiqonews u sheegay in gaariga oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ay ka war-heleen ciidamada ammaanka, kaidbna markii ay qabteen ayaga oo baaraya la qarxiyey.
5 askari oo ka tirsan ciidamada amniga ayaa la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen qaraxa, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen warbaahinta.
Ciidama ammanka qeybahooda kala duwan oo goobta gaaray ayaa baaritaano ku wada Gaariga Qarxay halka markii hore uu ka yimid.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay Gaarigan xilliga uu Qarxayay in si weyn looga maqlay meelaha ku dhow goobta uu ku qarxay.