Khilaaf ka dhex taagan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa sii xoogeystay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Wararka laga helayo Baardheere ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee Baardheere oo aan ka mid ahayn kuwa AMISOM ay awood dheeraad ah adeegsadaan iyadoo amarro ku soo rogay ciidamada Soomalida.
Aadan Cabdi Cali oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Baardheere ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya a dhibaatoyin ku hayaan ciidamada iyo shacabka Baardheere.
RIIX HALKAN: DHAGAYSO WAREYSIGA
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Itoobiya ay ciidamada dowladda ka hor istaagaan howshooda, isla markaan sarkaalka u taliya uu lacago baad ah ka qaato diyaaradaha taga garoonka Baardheere oo marar badan uu joojiyay diyaarado ka degi lahaa, wuxuuna magaalada si joogto ah uga jaraa isgaarsiinta.
Arrintan ayaa hadda kasii dartay sida uu sheegay sarkaalkan, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ay qeylo dhaan u direen dowladda federaalka inay arrintan wax ka qabtaan oo ay soo farageliyaan.
BAARDHEERE:sarkaal soomaali ah oo ka sheegeeyey bahdilaad ay kala kulmaan ciidamada itoobiya
-