Baaris: Farmaajo Wuxuu qabaa Xanuunka”Bipolar disorder”(ogow waxa keena xanuunka iyo dabeecadihiisa)

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa jiro Cadeymo dhowr oo ku tusinaya in xanuunka loo yaqaan”Bipolar disorder” (xanuunka labada ciririfood) uu yahay xanuun lagu kala qaado dhaxalka waana cudur qofka uu kulansanaayo xanaaq joogto ah iyadoo ay daba socoto farxad aan caadi aheyn qofka mar mar lagu arki karo.

hadaba ciwaanka warbixinteena ee ah”farmaajo wuxuu qaabaa xanuunka “Bipolar disorder”(xanuunka labada cirifood) ma ahan mid iska dheh ah waxaa tusaale cad kaga filan hadii aad dib u milicsato taariikhda mudane farmaajo waxa aad argeysaa ficilo is diidan kuwaasi oo iskugu jira faraxado iyo waanaag joogto ah oo uu ku hadlo mar marka qaar balse waa taasi oo ay dabab socoto in aad hadane aragto isagoo oo xanaaq badan ka muuqdo isla markaana buriyey hadalkii uu ku hadlay.

farmaajo ayaa oloahiisii doorasha ku yiri sidan” muddo laba sano gudahood waxaan dalka ku gaarsiinayaa isku filnaasho Militiri waxaana dalka ka saarayaa ciidamada shisheeye…” balse wax ka yar hal sano ka dib farmaajo ayaa booqasho ku tagay dalalka ay ciidankooda ka joogaan soomaaliya isagoo dalbaday in la kordhiyo ciidmada isla markiiba waxaa codsikaasi ka soo jawaabay dowladaha itoobiya iyo Jabuuti balse aqristow ma been baa hadii aan dhaho farmaajo waxa uu qabaa cudurka “Bipolar disorder” ?!

haa waa sax baaritaan la,aan go,aan ma la gaari karo hase ahaate qofka arkaya ficilada iyo hadalada farmaajo ugu yaraan waxaa uu ku tilmaami karaa xaaladda caafimaad ee “Bipolar disorder suspect” oo micnaheedu tahay”xanuunka labada cirifood ayaa looga shakiyey”

Si kastaba ha ahaate shacabka soomaaliya ayaa ku hungoobay mid ka mid himiladoodii aheyd in ay helaan madaxweyne caafimaad qabo waxayna hadda rajadoodi u muuqataa mid sii dhamaaneysa.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada