Baaritaan Ayaa Kugu Socda !….. Hadii Caalaamadahan Aad Isticmaasho!

-

Waa arin iska cad in Internet-ka iyo Xafidnaan macluumaadeed aysan wada kulmeynin, hadii horay lagula socon jiray iyada oo la daba raacaya website-yada aad booqato, hadda howshu waxa ay mareysaa in lagaala socdo caalamadaha aad u isticmaasho “Faallooyinka” ee aad ku muujiso dareenkaada “trackin emoji”

Xaqiiqonews.com-Tiknoolaji

Habkani cusub waxaa isticmaala dadka xayiisiinta ku sameeya Internet-ka, waxaana lagaa soo daba raacayaa nooca calaamad ee aad u isticmaashay in aad faallo kaga dhiibato post-ka saaxibkaa.

Sanadkii 2016 Tuwitter ayaa u ogaalatay shirkadaha xayiisiinta in ay isticmaalaan barnaamijka “Trucking emoji” oo qofka dareenkiisa lagu ogaanaya, si ka dib loogu soo bandhigo xayiisiinta ku haboon.

Agaasimaha suuqgeynta ee shirkadda |Four Sea Inight”  Aaron Goldman  waxaa uu leeyahay “hadii qofka uu isticmaalo calaamadda suulka kor u taagan (oo muujinaya raali ahaansho) waxaa loo soo bandhigayaa xayiisiinta ku habboon” isagoo intaasi raaciyey “Dadka isticmaala calaamadaha la xariira kubadda cagta ama kubadda goloyga iyagana waxaa loo soo bandhigayaa xayiisamaha ay isku qabiilka yihiin”

Shirkadaha qarkood ayaaba horay u dhaqangeliyey barnaamijkan cusub, waxaana ka mid ah shirkadda Toyoto, oo barnaamijkani ka dhax fulisay Tuwitter-ka sanadkii 2017.

Si kastaba ha ahaate barnaamijkani dabagalka calaamadaha “Trucking Emoji” oo lagu baaraya xaaladda aad ku sugan tahay iyo wax aad jeceshahay waa arin halis ku ah Asturnaanta macluumaadka shakhsiyadeed.

Dhammaan isticmaalayaashana ma ahan kuwa ku baraarugsan “Baaritaankan” taasi oo halis ku ah xaquuqda ilaalinta macluumaadka shakhsiga.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...