Daraasad ayaa sheegtay in raggu ka jilicsanyihiin dumarka marka la fiiriyo xagga caafimaadka, waxaaba intaasi u si dheer in daraasadu ay xaqiijisay in ragga xoog xoogan ay yihiin kuwa ugu badan ee Xanuun isbitaal la galo.
Xaqiiqonews-Saynis/Caafimaad
Celcelis ahaan dumarka waa ay ka cimri dheeryihiin ragga, 57% dadka ka weyn da’da 65 waa dumar. marka la qiimeeyo dadka jira da’da 85 sano ,67% waa dumar.
Haddaba Maxay Tahay Sababta Dumarka Uga Cimri dheeryihiin Ragga?
Maqaal lagu daabacay Website-ka Jaamacadda Hardvard ayaa ku sababeeyey Cimri dheeraanshiyaha dumarka dhowrkan qaab
–Raagu waxa ay ku badanyihiin shaqooyinka halista ah: shaqooyinka ugu halis badan dunida waxaa ku badan ragga sida goobaha dagaalka, dhismaha dhismayaasha dhaadheer iwm.
Booqashada Dhaqaatiirta oo ku yar: sida sheegtay baarista hay’adda (
Agency for Healthcare Research and Quality) ragga inta badan waxa ay iska dabaaliyaan in ay tagaan dhaqaatiirta.
Degananta Dumarka: marka laga fiiriyo dhanka xalinta caqabadaha, dumarka ayaa ku jira kaalinta koowaad, taasina waa sababta ragga ay ugu dhintaan shilalka, cabista maandooriyaasha iwm.