Baladweyne Ma Jannada Somaliyaa Mise Waa Jaxiimo Cusub..#Warbixin

La Wadaag Asxaabtaada

Fatahaaddda xoogga leh ee ka dhacday baladweyne, hadii loo sii diyaar garowi lahaa waxaa laga faa,idi lahaa waxayaabahan: koronto lacag la,aan ah, Waraab beereed, iyo keyd biyo oo aan go,in ilaa xilli robaadka kale la gaaro.

Sida waafaqasan warabixinada laga helaayo baladweyne waxay guud ahaanba isku badashay harro biyood weyn waxaan dad badan ay ku sababtay in ay ka barakacaan gurayahooda, hase ahaatee su,aasha ayaa waxa ay tahay waxa dhacay ma Nimco baa mise waa Halaag iyo Ciqaaab?.

Biyaha waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan noolasha, hase ahaate waxa ka dhacay baladweyne waxa ay la mid tahay nin hashiisa ay haraantisay.

Qaababkani  hoose waa arimo suuragal ah oo looga faa,ideysan kari nimcadan isku badashay dhibaatada.

-In La sameeyo Biyo xireeno waaweeyn:

Biyaha badan ee wabiga waa kuwa ugu fiican ee laga sameeyn karo biya xireeno kala duwan, waxaan u isticmaali karnaa xilli beereed ama koronto xilliyeed maadaama aysan joogto aheyn shaqooyinkaasina waa kuwa ay sameyn karaan dadka deegaanka mana u baahna hay,ad iyo NGO toona.

-In Laga Sameeyo Keyd Biyo:

Biyaha ka badan qaraha wabiga, sidoo kale waa suurtagal in aan ka sameysan karnaa keydad biyo oo loo baxsado marka uu wabiga biya yareeyo ama marka ay yimaadaan abaaraha.

-Kalluumeysi

Biyaha badan waa shabaqa ugu weyn ee soo daba xaywaano badan oo nafci noo leh, Malayka(Kalluunka) ayaa ka mid ah  waxyaabaha laga faa,idi lahaa biyaha hadii aan iskaga xiri laheyn meelo cayimam, kalluunka waxa uu soo raacaa biyaha marka fatahaad sameeyaan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada