Ciidanka Mareykanka ayaa horumariyey babmo gacmeed lagu qaadi karo boorsooyinka dhabarka, waxaan arinkaasi hadda lagu tababarayaa kooxda isqarixinta ee ka tirsan ciidanka Mareykanka.
Xaqiiqonews-Tiknoolaji
Wargeyska ka soo baxa ingiriiska Daily Mail ayaa daabacay warbixin cabsi abuurtay oo ku saabsan bambooyin yar yar oo Nukliyeer ah oo ay sameeyeen Ciidanka Mareykanka, iyadoo ujeedadana lagu sheegay in ay tahay in la isticmaali doono hadii uu qarxo dagaalka seddexaad.
Nukliyeerka ma ahan mid dunida ku cusub, hase yeeshee atom nukliyeer ah oo sidan u yar in la sameeyaa waxa ay ka dhigan tahay “Farsamo halis ah”, waxaana bombo gacmeedkani nukliyeerka ah uu dhiirigelinayaa dagaal nukliyeer ah oo balaaran.
Dhinaca kale Website-ka “Foreign Policy” ayaa daaha ka qaaday in bambooyinkani ay yihiin oo kaliya hal hal-abuur oo ka tirsan waxqabadyada badan ee ay gacmaha kula jiraan Ameerikaanka, arimahani oo cabsi ku beeraya Midowga Soveit-ka