Banaan baxii ugu dadka badnaa abid oo muqdisho ka dhacay iyo dhacdo layaab leh oo dhacday

La Wadaag Asxaabtaada

Kumanaan ruux ayaa dibad bax ballaaran ka dhigaya Garoonka kubadda cagta ee Koonis Stadium ee degmada C/casiis, iyadoo dibad baxan looga soo horjeedo Al-Shabaab iyo xasuuqii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, halkaasoo baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay.

Dibad baxayaasha ayaa ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ay socod dheer ku soo mareen waddooyinka, waxaa dadweynaha ay madaxa uga xirnaa maro gaduudan oo lagu muujinayo dhacdadii Zoobe.

Waxaa garoonka kubadda cagta ee Koonis Stadium ku sugan Madaxda ugu sareysa dowladda, sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka sare, Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Dadweynaha dibad baxa ka qeyb galaya ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah Al-Shabaab, iyo kuwa ka turjumaya Midnimada, waxaana ay dareen isku duubni ka muujinayeen dhacdadii Zoobe ee boqolaalka ruux lagu xasuuqay.

Madaxda dowladda ayaa la filayaa in la hadlaan kumanaanka ruux ee isugu yimid Garoonka kubadda cagta ee Koonis Stadium.

dadweynihii binan baxa sameynayey ayaa ku qasbay mehradihii ganacsi ee shaqeynayey in la xero ka dib markii ay bililaqeysteen goobo dhowr ah

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada