Bankiyada Muqdisho oo Lumiyey Malaayiin Doolar.. Go’aankan ayey dowladdu Qaadatay

-

Qaar ka mid ah bankiyada Muqdisho ku yaalla ayaa lumiyey lacago lagu sheegay ku dhawaad 100 Milyan oo doolar, ka dib markii dad badan ay maalgashteen suuqa sarifka caalamiga ah ee “Forex”.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Khasaaraha ugu badan ayaa hareeyey Bankiga ku dhisan ganacsiga “Boortafooliyada” ee ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, sida ilo xog ogaal ay noo sheegeen, muddo ka yar 6 bilood, waxaa bankiga Salaama lagala baxay lacag dhan 50 Milyan oo doolar.

Lacagaha lala baxay ayaa u badnaa lacago “keyd ah” kuwaasi oo bankiga uu u isticmaali jiray in uu ku kala furdaamiyo howla maalmeedka lacag la bixidda, hase ahaate arintani ayaa sababtay in bankiga uu si ku meel gaar ah u joojiyo lacagihii “uu bixin jiray”.

Xor uma ihi in aan Lacagteyda La baxo!

Qof ka mid macaamiisha Bankiga ayaa yiri “markii hore aniga oo taleefonkeyga heysta ayaan la bixi jiray intii aan doono oo lacag, balse malmahan lacag la bixidda tashwiish ayey ku fureen”, isagoo intaasi ku daray “waxa uu taleefoonka ii soo qorayaa “error” .

Sababta ugu badan ee ay u musalifeen bankiyadan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay nidaamka ganacsiga internet-ka ee “forex” kaasi oo dad badani ku dhiiri geliyey in ay ku shaqeeyaan lacagahooda, waxaana yaraaday dadka keydka dhigan jiray bankiyadan.

Xogaa xirfad Xumo ah

“waxa ay maalgeliyeen xaafado ay ka mid tahay “Daaru salaam”,waxa ayna ku ciyaareen lacagtii keyda aheyd” ayuu yiri qof ka tirsan macaamiisha Salaama Bank.

“Lacagteyda, hadii ay taalo 6 sano ka badan, wax faa’ido kama helaayo, marka maxaa ku jaban hadii aan maalgashto oo aan forex ka shaqeysto” ayuu sii daba dhigay macmiilkani, isagoo bankiga ku eedeeyey waxa uu ugu yeeray “Xirfad xumo”.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay nidaam ay ku ciqaabeyso ganacsatada danyarta ee ku shaqeysto sarifka “forex”, go’aankani ayey dadkiu ku sheegeen in uu yahay isku day ay Dowladdu ku badbaadineyso “Bankiydan musalifay”.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...