Bardaale Ka Dib Baardheere ..Maxaa Ka Qaldan Diyaaradaha Kenya?

-

Mid ka mid diyaaradaha gaboobay ee Kenya rakaabka u isticmaasho, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhacday garoonka Baardheere ee gobolka Gedo.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Sida uu qoray webseetka Caasimadaa online, diyaaradda burburtay waxa uu nooceedu ahaa Fokker 50 kuna diiwaan-gahan 5Y WFC oo ay iska leedahay shirkadda duulimaadyada Buff Air Service ee bixisa adeegyo badan oo isugu jira in la daabulo rakaabka, agabka kale iyo qalabkaba.

Inkastoo aysan jirin wax khasaara nafeed ah, waxaa sawirada shilka ka muuqday burbur gaaray diyaaradda, maamulka gobolka Gedo ayaana sheegay in ay dib ka faafaahin doonaan waxa dhacay.

Diyaarad Kenya Leedahay oo ku soo dhacday Soomaaliya Baardheere

Maxay arintani u soo noqnoqotay?

Isniin, 25 bishii May 2020, diyaarad Kenya leedahay ayaa la kulantay rasaas toogasho, xilli ay dul mareysay degmada Qansaxdheere , ilaa iyo haddana lama oga cidda ka dambeysay.

isla bishaas 4 May, waxaa deegaanka Bardaale lagu soo riday diyaarad Fokher 50 ah oo ay laheyd Kenya, waxaana arintaasi markii ugu dambeysay qirtay ciidanka Itoobiya.

Dhamaadkii 2019, bishii Oktoobar diyaarad nooceedu ahaa Fokher 50 oo ka kacday Nayroobi kuna sii jeeday Mombasa ayaa burburtay, waa arinta shaki weyn gelineysa badqabka diyaaradahan oo ah farsamadii sideedameeyada.

Wararka U Dambeeyey

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...