Barfasoorku Muxuu Ku Diiday Guusha Wiilkan Yar?

-

Qaasim Maxamed Salaad waxa uu ka mid yahay 100-Kii arday ee kaalmaha ugu horeeya ka galay imtixaanka lagu muransanyahay ee dhawaan Df-ka ay shaacisay natiijadiisu.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Inta aanan u imaan dooda ku saabsan “wixii ka qaldmay imtixaanka”, aan isku dayno in aan ogaano daruufta ay ku noolyihiin ardayda imtixaanka gashay qaarkood?

Qaasim waxa uu daganyahay xero barakacayaal oo ku taala Garbahaarey, waxa uuna ka mid ahaa ardaydii kaalmaha ka galay natiijada la shaaciyey.

Internet malahan, koronto ma jirto, biyo fiican ma jiraan, intaasi waxaa u dheereyd shaqada adag ee miyiga,Qaasim ayaana safarkiisii waxbarashada ku micneeyey “toosh iyo gaajo”

Qaasim subax walbo bohoshan ayuu maraa si uu iskoolka u tago

Sida uu baahiyey Tv-ga Shabeelle Qaasimka qaxootiga ah waxa uu ka mid ahaa boqolkii arday ee ugu natiijada fiicnaa sanadkan.

Sidoo Kale Aqri..Daawo Muuqaal..Hooyadey Ayaa Ka Weyn Jaamacadaha Oo Dhan!

Ma ahan Qaasim oo kaliya, waxaa jira boqolaal arday kale kuwaasi oo hardan kala kulmaya daruufaha adag ee noolasha, ogow kama hadlaayo kuwa miyiga ku nool oo kaliya, magaalooyinkuna culeys ayaa ka jira.

Maxaa Qaldamay?

Markii la shaacisay natiijada, siyaabo kala duwan ayaa loo fasirtay, meelo badan ayaana farta eedde lagu fiiqay, eedeeymo badan ayaana la soo jeediyey- kuwaasi oo jiri kara ama aan jirin- hase yeeshee qaabka Barfasoorada iyo aqoonyahanada qaar hadalka u dhigeen waxa ay u muuqatay sida in ay na leeyihiin “Ardaydii guuleysatay ma guuleysan”, taasi oo noqoneysa cadaalad darro.

Waxaan ahaa macalin, waa dareemi karaa halka ay wax ka qaldanyihiin, waxaan kuu xaqiijin karaa in aysan jirin sabab keeneysa in “imtixaanka dib loogu laabto”, khibradeyda waxaa jirta hal meel oo wasaaradda waxbarashada u baahantahay in ay dib u sax ku sameyso.

Wasaaraddu Shaqaalaheedu Ha Buriso!

Kama wado wasaaradda dadka oo dhan shaqada ha ka ceyriso, hadii aad i fahantahay u jeedadeydu waxa ay ku koobantahay oo kaliya wasaaradda oo ka maaranto kormeerka iyo ilaalinta imtixaanka ee “dadka ban’aadamka ah sameynayaan, kuwaasi oo marnba cadaalad noqon karin.

Ma hubo, laakiin hadiiba wax qaldameen waxa aan tuhmaya waardiyaasha iyo dadkii loo xil saaray kormeerka imtixaanka kuwaasi oo ku fashilmay/ kuna fashilmaya in ay si siman goobaha oo dhan ula tacaamulaan.

Waxaan u baahanahay wasaaradda in ay shaqooyinkeeda asaas ugu dhigto qalabka digitaalka, sida kaamirooyinka wax ilaalilya oo lagu xiro hoolalka imtixaanaadka, iyo qalabyada ka saacidi karta sixitaanka warqadaha.

Wararka U Dambeeyey

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...

Muxuu Qirtay Muxuuse Inkiray Yaasiin Fareey

WARKA: Wareysi socday wax ka badan nus saac oo si bablik ah loo shaaciyey ayuu Yaasiin Fareey kaga hadlay...

RW Israa’iil Biniit Oo Yiri Waxaan Ku Dhownahay Burbur!

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Naftaali Biniit ayaa niyad xumo ka muujiyey mustaqbalka Yahuudda,waqti dalkaasi uu wajahaayo kala qeybsanaan baahsan oo...